Shariif Oo markale doonayo in uu madaxweyne noqdo

Madaxwaynaha dowladda KMG Soomaliya oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya la hadlay wakaaladda wararka ee dalka faransiiska ee AFP ayaa sheegay in labo bil kadib uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxtino ee dalka Somalia islamarkaana uu la tartamidoono Musharixiinta kale ee isku soo sharaxaya xilka madaxtinimada dalka Somalia.

Shariif sheikh axmed ayaa tibaaxay in wax badan uu ka badali doono xaaladda dalka Somalia haddii shacabka soomaaliyeed markale ay u ogolaadaan in xilka madaxtinimda uu qabto.

“Waxaan u adeegi doonaa shacabka soomaalida hadii markale ay igu aaminaan shaqada “ ayuu madaxwaynaha u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Madaxwaynaha dowladda KMG ayaa sidoo been abuur ku tilmaamay in daaqadaha uu ka xertay beesha caalamka oo uu ka soo horjeestay la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada iyo in sidoo kale uu ku guul daraystay soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in laga soo bilaabo markii loo doortay xilka madaxtinimada oo ahayd January 31, 2009 uu wax badan qabtay iskuna mashquuliyay la dagaalanka argigixisada iyo horumar gaarsiinta dalka Somalia waa sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda waxaa la joogaa waqtigii laga shaqayn lahaa dib u dhiska dalka iyo ka shaqaynta horumarka dalka Somalia hadii wax sharci ah uusan jirin suurto gal ma ah in laga shaqeeyo horumar , waaa in marka hore la helaa sharci kala xaddida dadka “ayuu yiri madaxwaynaha dowladda KMG Somalia .

47 sano jirkan hogaamiya dowladda waqtiga yar haatan uu ka harsan yahay hadalkiisu waxa uu ku soo aadayaa xilli August ka hor ay dhacayaan doorashooyin barlamaan , barlamaankaasoo August 20keeda dooran doona madaxwayne.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Shariif Oo markale doonayo in uu madaxweyne noqdo

  1. shariifka waa shabcaan ha la doorto nin cusub oo baahan ha soo dooranina.

You must be logged in to post a comment Login