Shir ay Muqdisho ku yeesheen Beesha Karanle oo Go’aamo laga soo saaray (Sawirro)

Shir ay iskugu yimaadeen Aqoonyahayo,Wax garad iyo qeybaha bulshada ee beelweynta beesha Saciid Abakar ee beesha Murusade ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ku saabsanaa bal in ay beeshu iska wareysato, xiliga kala guurka ah iyo qaabka beeshu u wajihi laheyd iyo saami qeybsiga xildhibaanada la soo xulayo.

Dood iyo aragti is weydaarsi ka dib waxa ay beeshu isku raacday in siyaasiga Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahin  Dheere) uu noqdo shaqsiga u matalaya siyaasada xiligan kala guurka ah.

Odayaashii goobta ka hadlay ayaa sheegay in kulankan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay mustaqbalka beesha, isla markaana loo bahaanyahay in la kordhiyo kulamada nuucaan ah, si beeshu uga qeyb qaadato qorshaha looga gudbayo kmg.

War murtiyeed ka soo baxay shirka ka dib ayaa lagu xusay in beesha Saciid Abakar ay gogol u fidin doonto beelaha kale ee Abakar  si ay uga wada tashadaan xirirrika walaaltinimo iyo iyo saamiga  siyaasadeed ka dhaxeeya.

Siyaasiga Ibraahin Dheere oo ah rugcadaa siyaasadeed ayaa beesha uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen, waxa uuna beesha ugu baaqaayay in ay is garabtaagnaadaan isla maekaana dalkooda ay u hiiliyaan maadaamo dalku mudo uu ku soo jiray dagaalo sokeeye.

Gogoshaa ayaa beeshu ku gudbindoontaa qofka u matalaya siyaasad ahaan dhankooda oo ah Ibraahin Dheere.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.