Somalida UK oo xaflad u dhigay masuuliyiintii kasoo qeyb galay….

Xaflad ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Sooamalida ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska taasi oo lagu soo dhaweynayay islamarkaana ay ka qeyb galeen Ergada dowladda KMG iyo Maamulka Somaliland ee wada hadalada ay ugu soo gabagaboobeen dalka England.

Wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlay Xafladda ayaa waxa ay sheegeen in horumar badan ay haatan samaysay dowladda oo ay ka mid tahay dhanka Waxbarashada iyo dhanka dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha uu ka sheegay halkaasi in Kismaayo ay qabsanayaan mar dhow.

Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe oo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa isna waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland aysan kala tageenin balse waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay sababta Somaliland loo daba socdo iyadoo Gobolada Koofureed ay Soomaaliya oo la magacaabay Madaxweynayaal aan karti lahayn.

Heshiiskii ay dowladda iyo Maamulka Somaliland oo diirada lagu saaray wada shaqeyn labada dhinac dhexmarta ayaa waxa uu muujinayaa in labada dhinac ay isku soo dhawaanayaan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login