Kulankan oo ka dhacay agagaarka Lambroke Road ee magaalada London isla markaana ay soo qabanqaabiyeen safaaradda Soomaalida & jaaliyadda Soomalaiyeed eek u dhaqan magaaladaasi waxay wefdiga dowladda KMG ah & Ing. Feysal Cali Waraabe ugu waramayeen heshiiskii hordhacca ahaa ee ay ku gareen dhawaan dalka Ingiriiska.
Wasiirka arrimaha gudaha & Amniga Qaranka C/samad Macallin Max’ud oo ugu horreyn halkaasi hadallo qiimo leh ka jeediyay ayaa sheegay in kulankii ay la yeesheen wefdigii ka socday maamulka Somaliland uu ahaa mid ku dhammaaday guul isla markaana kulanka xiga ay yeelan doonaan madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya & Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Max’ed Max’ud “Siilaanyo”.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Feysal Cali Waraabe oo ka socday maamulka Somaliland isla markaana aysan diidaneyn wadahadallo ay la yeeshaan walaalahood Soomaaliyeed, wallow haddana kulankaasi ay yeesheen labada dhinac uu qaatay muddo dheer.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsanaa wefidgii uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha ayna ka mid ahaayeen;-
1. Wasiirka waxbarashada Xildhibaan Axmed Ceydiid Ibraahim;
2. Xildhibaan Max’ed Xassan Aadan
3. Xildhibaan Prof. Cali Max’ud Nuur “Makoombe”.
Sidoo kale waxaa isna goobjoog ka ahaa kulankaasi Danjire C/qaadir Aadan Cali “Dhuub” & guddoomiyaha jaaliyadda Max’ed Ismaaciil Atoore, Qoraa sare C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”, Xaawo Max’ed Xassan “Lehelow” Fannaanadda caanka ah Maryan Jaceyl & xubno kale oo fara badan.
Kulankaasina wuxuu ku dhammaaday sidii loogu talagalay & sidoo kalena ay jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadcelinyeen wefdiga wasiirka arrimaha gudaha & amniga Qaranka C/samad Macallin Max’ud warbixintii ay siiyeen ee shirkii ka dhacay dalka Ingriiska.
Sawirqaadaha Qaranka, C/llaahi “Affey”
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize