Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiisi Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ay maamulaan Ururka Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in xillliga ay doonaan wadadaasi ay dagaal ka geestaan islamarkaana ay ku weeraraan ciidamada dowladda Soomaaliya ee isticmaala wadadaasi.
Afhayeenka dhanka dagaalada ee AL-Shabaab C/casiis Abuu Muscab wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Kenya inay ku fashilmeen dagaalada Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in ciidamada dowladda Kenya tan iyo markii ay soo galeen dalka Soomaaliya aysan soo dhaafin deeganadii ay kasoo galeen sida uu hadalka ku sheegay.
Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya waxaana inta badan Al-Shabaab ay weeraro ku qaadaan fariisimada ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo gobalada dalka.
![]() |
Socialize