Xulka Talyaaniga oo Rigoorayaal ku Reebay England,iyo Talyaaniga oo sami finalak Euro arki doona Germany Ciyaar Xiisaheeda iska leh
Xulka Talyaaniga ayaa Xalay Ku Suuldaaray Rigoorayaal 4-2 Ka dib Ciyaar adah oo ka dhacday Garoonka Caasimada Ukraine ee Kiev,waxana Kulankaan 2 qeybood Gacan sareeyay Talyaaniga oo ERuro 2012 u Muuqda sidii uu ahaa 12 sano ka hor Sanadkii 2000 oo ay Finalka Yimaadeen Iyadoo Faransiisku uga Qaaday 2-1 aqtigii dheeraadka ee Lagu Daray waxana Koobka Xiligaasi wadajir u Martigaliyay Bilam vs Holland.
Hadaan u soo Laabto Ciyaartii Xalay u dhaxeysay Xulalka Engaland vs Italy Bilowgii ciyaarta waxaa Birta Engaand Garaacay 16 De Rossi, Daqiqiadii n17 Karoos Gaaban oo uu soo Laanjeeyay 2 Juonsson waxaa Sigay 10 Rooneey Goolka Talyaaniga
Daqiqiadii 24 balotelli ayaa Cunay Fursad Gool loo Fishay,Daqiiqadii 31 isla Xidigaasi ayaa qasaariyay Fursad Kale,Daqiqiadii 32 welback ayaa luniyay Xuluul uu u dhigay Rooneey.Daqiqiadii 37 10ka Talyaaniga Cassano ayaa Laad Hoose uu ka Bixiyay Goolhaye Hurt, Daqiiqadii 42 Laad Xoogan ayuu Birta Goolka England Kor Mariyay 9 Balotelli waxaan qeybtii Hore Lagu Kala Nastay 0-0.
qeybtii danbe Markii la isagu soo Noqday Talyaanigu Halkii Buu Ka sii Miisay Weearrkiisa,England Xoogaa Huradad waa ka kacday waxaana ay Bilowday Weerar
Daqiqiadii 47 De Rossi ayaa ka qasaariyay Fursad Xulka Talyaaniga.Daqiqiadii 59 Balotelli aya sigay Goolka Eng;and.Daqiiqadii 88 Gool ay fisheen Taageerayaasha talyaaniga uuna Raaciyay 23 Nocerino waxaa ika bixiyay 2 Johnsson,Daqiqiadii 92 Rooney ayaa cunay Fursad wanaagsan waxana waqtigii Loogu Tala Galay ay Ciyaartu ku soo idlaatay 0-0.
30 Daqiiqo oo dheeraad ah ayaa ;agui Daray Daqiqiadii 100 ee qeybtii Hore 22 Diamati ayaa Birta Ku Garaacay Kubada,Daqiqiadii 112 isla Xidigaan ayaa lumiyay Fursad qaali ah
waxana 30kii Daqiiqo ee Lagu daray La isku Nari waayay 0-0.
sida sharcigu qabo Maadam 2 wadan mid laga doonayo inuu u Gudbo Sami Finalak Euro 2012 waxaa lagu kala saaray Rigoorayaal.
9 Balotelli ( Italy ) Gool
4 Gerared ( ENG ) Gool
18 Montalivo ( Italy ) Waa Cunay
9 Rooney ( ENG) Gool
21 Pirlo ( Italy ) Gool. Rigooradii ugu Wanagsaneyd Rigorayaashii ay isku Laadeen Labada Xul.
11 Young ( ENG ) waa Cunay Birta ayaa soo celisay
23 Nocerino ( Italy ) Gool
3 Ashle Cole ( ENG ) Waa Cunay
22 Diamati ( Italy ) Gool
Xulka Talyaanihu 4-2 Rigoorayaal ah ayey isaga reebeen Xulka England waxaana ay sami finalka Euro 2012 is Fara saari doonaan Xulka Germany oo ka mida 4ta Dal ee u soo Baxay Sami finalak Euro 2012.
Waxaa Diyaariyay
___________________________________________________________
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’ | Uurdoox2011@hotmail.com
Share on Facebook
![]() |
Socialize