Ahlu sunada gobolada dhexe oo Shabaab u caga jugleeyay

Sheekh Cismaan Sheekh Axmed Al-Qaadi afhayeenka Ahlusuna Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Ururka Al-shabaab.

Sheekh Cismaan Sheekh Axmed wuxuu sheegay in dhamaan Gobalada Koonfurta dalka Soomaaliya ay qorshaynayaan in Ururka AL-Shabaab ay ka saaraan.

Wuxuu sheegay in qorshahooda uusan ahayn kaliya in AL-Shabaab ay kula dagaalamaan Gobalada kooonfurta dalka Soomaaliya laakiin ay doonayaan in guud ahaan dalka Soomaaliya ay ka saaraan ururkaasi.

Afhayeenka Ururka Ahlusuna Gobaladda Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ay ka dulqaadi doonaan Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku hayaan sida uu sheegay Al-Shabaab.

Ururka Ahlusunna ayaa dagaal kula jira Ururka AL-Shabaab waxaana ay ku dagaalamaan Gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya iyo sidoo kale qeybo kamid ah Gobalada Dhexe ee dalka.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 27, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.