RW Gaas oo ka qeyb galay xuska maalinta xornimada Jabuuti!

Muqdisho, June, 27, 2012 – Warasaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ka qeyb galay Sanadguuradii 35-aad ee Dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayay 35 sano guuradii ka soo wareegtay xiligii ay xurnimada qaadatay dowladda Jabuuti.

Munaasabadda lagu maamuusayay Sanadguuradii 35-aad ee xurnimada Jabuuti oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Dr. Cabdiweli,Qaar ka tirsan Golaha Wasiiradda,Xildhibaano,Saraakiil, Fanaaniin iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Safiirada, Turkiga, Yemen,Ethiopia, iyo kuwa kale.

Ugu horeyn Safiirka Soomaaliya u fadhiya dowladda Jabuuti,Dayib Dubad Rooble, ayaa ka hadlay qiimaha maanta ay u leedahay shacbiga reer Jabuuti maadaama ay tahay 35,sano guuradii ka soo wareegatay Xurnimadii Jamhuuriyadda Jabuuti.

“27,June waa maalin ku weyn dadweynaha reer Jabuuti, waa maalintii ay xurnimada qaateen, xornimada maanta ay Jamhuuriyada Jabuuti heysato ragbaa u soo halgamay, balse waxaa kaloo inoo farxad ah in maanta aynu Munaasabada ku qabsano Magaalada Muqdisho,taasina waxey ka turjumeysaa in ay Muqdisho amaan tahay oo la isku laheyn karo, Sida aad aragtaana munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Safiiro badan oo Muqdisho ku sugan”.

Safiirka ayaa intaa ku daray in Jamhuuriyada Jabuuti ay ka go’an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay uga bixi lahaayeen KMG iyo dhibaatooyinka kale.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ugu hambalyeeyay Sanadguuradii 35-aad ee xurnimada Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shacabkooda, Wuxuuna intaa ku daray in Walaalahayaga ee Jabuuti ugu mahadcelineynaa sida hagar la’aanta ah ay u taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed, Wuxuuna intaa ku sii daray in Munaasabadaani teeda kale lagu dhigi doono Soomaaliya oo dowladda taam ah yeelatay islamarkaana Amaan u soo jeediyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo dagaal ugu jira sidii dalka looga xureyn lahaa Kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Dr.Cabdiweli ayaa sheegay in marnaba aysan mushtamaca Soomaaliyeed aysan ilaawi doonin dadaala ay ka heleyn walaalahooda Reer Jabuuti,Wuxuuna xusay in mar dhowna Ciidamada Jabuuti ee Muqdisho ku sugan la geyn doono Magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna sheegay iney si farxad leh ula dabaal dagayaan 35 sano guuradii ka soo wareegatay xilligii ay Jahmuuriyada Jabuuti ay heshay madaxbanaanideeda.Waxaana sidoo kale uu sheegay in ay Walaalaha Jabuuti ugu mahadcelinayaan dadaalada ay ka geysanayaan Arrimaha Soomaaliya, Waxaana sidoo kale u rajeynayaa hormar iyo nabad waarto.

– DHAMAAD –


___________________________________________________

Diraac Salaad Fagaase | Communication Director, office of the PM | media@opm.gov.so
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 27, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login