RW Gaas oo u ambabaxay Magaalda Kampala ee dalka Ugandha

Muqdisho, June, 27, 2012 – Warasaxaafadeed - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku wajahan yahay dalka Uganda, Isagoona kulamo la qaadan doono Madaxweynaha dalka Uganda Mudane,Yoweri Museveni.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dowladda Uganda ay ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

“Sida aad la socotaan dowladda Uganda waxaa inaga dhaxeeya xiriir Diplomacyadeed, marka waxaan ka wada hadleynaa sidii arrimahaasi kor loogu sii qaadi lahaa”.

– DHAMAAD –
______________________________________________________________
Diraac Salaad Fagaase | Communication Director, office of the PM | media@opm.gov.so

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 27, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.