Aragtida SSE ee wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya

Somaliland Societies in Europe
13 rue Jean Monnet
64000 PAU
France
Mob.UK: 0044 7983 696911
Mob. Fr : 0033 689 83 12 66
Website: sseuro.com
Email: info@sseuro.com

Taariikh: 28/06/2012 | Tixraac: SSE37928062012

Warsaxaafadeed  - Dallada Somaliland Societies in Europe (SSE) oo kulmisa jaaliyadaha Somaliland ee Yurub waxa ay maanta halkan ku soo bandhigaysaa aragtideeda ku aadan shirkii lagu qabtey waddanka Boqortooyada Ingiriiska.

Figrad ururin , dood iyo wadatashi ka dib , Dallada SSE waxa ay ugu horreyn si TAXADAR leh u soo dhawaynaysaa:

Wadahadaladii 20-21.Juun 2012 ku dhex maray ergooyinkii ka  kala socoday Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo ka dhacay  London (Guriga Chevening House).

Baaqani waa mid tallo iyo tusaaleyn ah oo ay Dalladu rabto in ay u soo jeediso Xukuumadda JamhuuriyadaSomaliland iyo dhammaan qaybaha iyo hay’adaha kala duwan ee qaranku kakoobanyahay.

SSE  kama soo horjeedo in Somaliland wada haddal la yeelato dalka Soomaliya, laakiin Dalladu waxay aaminsantahay wadahaddal kasta oo ku dhaca si bilaa taxadar ah oo aan salka ku hayn feejignaan iyo xaqiiqada dhabta ah ee loobaahanyahay ay sii fogaynayso himilada Qarankan curdinka ah oo ay dunidu iyo waliba reer Somalia-ba sikhaldan u fasiran karaan wada haddal bilaa shuruud ah oo ina dhex mara Soomaliya.

SSE waxa ay baaqan u cuskanaysaa fikradaha iyo aragtiyaha ay ka heshay qaar ka mid ah xubnaheeda ku baahsan waddamada Yurub, ka dib markii ay ka codsatey fikrad ururin ku wajahan sida loo arko wadahaddalada lala galayo waddanka aan jaarka nahay ee Soomaaliya. Nuxurkii fikradaha iyo aaraada la soo gudbiyay oo kooban waa sidan:

  1. Ugu horreyn SSE waxa ay hore u taageertay iminkana taageeraysaa wadahaddal kasta oo salka ku haya nidaamkii 60 kii  intii aan  is-raacu iman . British Somaliland protectorate  iyo Somali Italiano. Labadaas qaybood oo  midina uu Ingiriiska ka qaatay xorriyadiisii 26kii Juun 1960kii, ka kalena uu Talyaaniga ka qaatay  01dii Julay 1960 kii.
  2. Dhinac kale Dallada SSE  Waxa ay dareen taban ka bixinaysaa maxsuulka ama natiijada ka soo bixi karta wada xaajoodka iyo wadahaddalada lala gelayo maamulka TFG(ga) oo aan la hubin inay soo noqonayaan wixii ka dambeeya bisha August iyo go’aamada lala gaadho maamulka TFG(ga) inay noqon doonaan qaar ay ixtiraamaan cida uga dambeysa maamulka. Arrinkani waa mid u baahan taxadarkiisa iyo in feejignaan dheeri ah loo yeesho, maadaama xukuumadda Somaliland oo si Dimuqraadi ku timid, isla markaana haysta kalsoonida shicibkooda ay la xaajoonayaan maamul ku meel gaadh ah.
  3. Dallada SSE waxa ay sidoo kale  taageeraysaa wadahaddal kasta oo labadaas dhinac u dhex mara , si siman  iyada oo wadahaddaladaasi ay ku salaysanyihiin is-ixtiraamid iyo hab maamuus salka ku haya in si siman loo wada hadlo iyada oo dhinacna aanu ku xad-gudbeyn sharafta, karaamada iyo fikirka uu dhinac kastaa u leeyahay inuu aayihiisa iyo mustaqbalkiisa ka taliyo. Dallada SSE waxay si qayaxan u muujinaysaa sida ay muhiimka iyo mahuraanka u tahay in Somaliland ay si cad uga dalbato sidii Soomaaliya ay u aqbali laheyd xaqiiqda jirta oo ah in dadka reer Somaliland ay xaq u leeyihiin meel marinta go’aanka ay hore u qaateen oo ah in Somaliland ay la soo noqotey xorriyadii iyo qaranimadii ay ku raadinayeen midnimada shanta Soomaaliya ee hore u fashilantay.
  4. Qoddobada kor ku xusan haddii la isla garto ama la isku waafaqo, Dallada SSE waxay taageerysaa in laga wada hadli karo, isla markaana la iska kaashankaro arrimaha danta u ah Gobolka guud ahaan ee ay ka mid yihiin  qoddobada labada dhinacba danta u ah sida nabadgelyada, arrimaha budhcadbadeedka iyo arrimaha kale ee ay danta ugu jirto xasiloonida manadaqada Gobbolka Geeska Africa.

Tallooyin.

  1. Dallada SSE iyada oo qadarin u haysa xukuumadda tallada haysa ee Somaliland waxay soo jeedinaysaa  in arrinkan wada haddalada ee furmay ay dhankooda ka ilaaliyaan  wax kasta oo keeni kara qallin daar si sahlan inoo dhaxalsiiya gef  dhaawac iyo xagtin soo gaadhsiiya Qaranimada iyo aqoonsiga aynu beesha caalamka ka filayno, maadaama wadahaddalka Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin qaar ka soo baxay kulankii London ee bishii Febraayo.
  2. SSE waxay Madaxweynaha Somaliland si xushmad ku jirto uga codsanaysaa in maadaama arrimaha wadahaddaladu laga yaabo inay qaataan wakhti iyo maraaxil kala duwan in loo baahanyahay in la sameeyo guddi farsamo oo aqoon iyo khibrad lagu soo xulay, kuwaasoo si joogto ah tallooyin uga bixiya arrimahan wada haddalada isla markaana daraasad joogto ah ku sameeya xaaladaha ku xeeran wadahadallada. Guddigani waa inay yihiin qaar hanan kara kalsoonida shicibweynaha reer Somaliland isla markaana si dhexdhexaad ah arrimahan uga talo bixin kara.
  3. Dallada SSE Waxa ay sidoo kale baaqan uga faa’iideysanaysaa sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo isku duubnida dhammaan shicibweynaha reer Somaliland, taasoo fure u ah guulaha tirada badan ee ay dadka reer Somaliland ku talaabsadeen tan iyo intii Somaliland ay la soo noqotey qaranimadeeda.  Waxa aanu mar kale ka codsanaynaa in xukuumaddu xil  dheeri ah iska saarto sidii looga midho dhallin lahaa gogoshii nabadeed ee uu Madaxweynuhu ku baaqay ,iyada oo la fulinayo ficilada sahlaya dhammeystirka hawlahaa.

Alle ha ina waafajiyo tallada toosan,

Gudida Fullinta SSE

Ururka SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 29, 2012. Filed under Faalooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login