Faroole oo ka carooday kulankii Shariif iyo Siilaanyo!

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa naqdiyay kulan shalay magaalada Dubai ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, kaasoo ahaa midkii u horeeyay oo fool ka fool ah, kadib markii dhowaan wada hadalo ku yeesheen Magaalada London Gudiyo labada dhinac kala matalayay.

C/raxmaan Faroole ayaa ku tilmaamay in kulankaas uu ahaa mid labada madaxweyne gaar ahaa, balse aan dan Soomaaliyed ka turjumeyn, isagoo ku andacooday in wax aanay iyaga ku jirin aan loo dhameyn.

Mar uu ka hadlay kulankii London ayuu sheegay in horay warqado ugu qoreen Caalamka, isla markaana kulankaas dhankooda aanay cidna u matalin, waxaa uu xusay in xubno la qoray oo laga bedelay xubnihii iyaga wakiilka ka ahaa.

“Aniga iyo Siilaanyo shirka burcad badeedka ayaa isku gacan qaadnay, kulan Shariif iyo Siilaanyo mid gaar ah buu ahaa oo dowladda Imaaraadka Carabta ay isa tusisay, Siilaanyo wuxuu rabaa Ictiraaf, Shariifna olole doorasho ayuu Madaxweyne ku rabaa in mar kale ku noqdo, kulankaas wuxuu ahaa mid labadooda gaar ahaa oo aan dan Soomaali ku jirin”ayuu yiri Faroole.

Mr Faroole ayaa sidoo kale xusay in markii Nairobi ay wada joogeen isaga iyo Madaxweynaha uu u sheegay inay Imaaraadka ku kulmayaan Madaxweyne Siilaanyo, wixii uu u sheegay wax ka duwan uu kala hadlay sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in qodobo kooban oo ay ku heshiiyeen waxba soo kordhineyn, isla markaana kulanka uu ahaa mid labadooda quseeyay., isla markaana aanu isaga u cuntamin.

Maalinimadii shalay ayay aheyd markii Munaasabad ay soo qaban qaabisay Dowladda Imaaraadka Carabta ay isku arkeen Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo ay ku saxiixeen heshiis lagu ambaqaadayay wada hadalada labada dhinac u bilowday.

______________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

 

One Response to Faroole oo ka carooday kulankii Shariif iyo Siilaanyo!

  1. War hadee wax iskula hara ragga qora boggan aan mar kasta aqrisano

    Madaxweyne cabdiraxmaan kama carroon shirka ee wuxuu qabaa fikir ah in Puntland ay qayb ka noqoto wada hadalka shirka sida aad ogithiin adinkaba

    Tan kale madaxweyne Cabidraxmaan Faroole xaq buu u leeyahay inuu ka qayb galo wada hadalka, waayo dhulka xuduud baa ka dhaxeysa Somaliland iyo Puntland

    marka odayga taakada ka qaada nimanyahow oo runta qora