Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

 

Dr. Qasim Hirsi Farah

OPINION / FIKRAD – by Dr. Qasim Xirsi Faarax - Todobaadkaan codka siyaasadeed ee ugu dheer gudaha Soomaaliya ayaa ahaa ka hadalka wadal ay yeesheen madax ka kala socota Gobolka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya iyo Daladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Hadadba waxan qormadaan siyaasadeed ku dhiraandhirinaynaa waxa uu ka qabo qaanuunka adduunku wada hadalka noocaan oo kale ah.

Inta aanaan xukunka qaanuunka caalamiga ah u guda gelin aan wax ka taabto shuruudaha looga baahan yahay haaddii uu gobol ama gobollo ka go’ayaan dal la aqoonsan yahay sida Soomaaliya. Shuruudahaas waxay ukala baxaayaan qaar looga baagan yahay labada dawladood ee is furaya (ogow qaanuunka caalamku waxa uu kala tagga noocaas oo kale ah u yaqaan – is furid, midowgana labo dal ama gobolna waxa loo yaqan “isguursi”.) Haddaba qormadayda waxan isticmaali doonaa erayada “isguursi” iyo “isfurriin). Shuruudaha looga baahan yahay Gobolka go’aya ee doonaya dawladnimo u doonida ihi waxaa ka mid ah:

  1. In uu leeyahay hanti ma guurto ah oo gaaraysa ugu yaraan dhawr bilyan. Lacagtaa waxa uu ku shubayaa Bangiga Adduunka oo u haynaya curaar ahaan si ay ugu baxsadaan xilligooda jiqda, ama loogu bixiyo daymo ay bixin waayeen, hadday gacaan sida ku dhaacday Soomaaliya 1991 kii.
  2. In uu haystaa dahab qeeriin oo qiimihiisu dhan yahay ugu yaraan bilyan si loogu ilaaliyo sanduuqooda cusub oo loogu sameeyo lacag u gooni ah dawladdooda. Lacagtaas oo ay ku shubaan Sanduuqa Lacagta Adduunka (the international monitory fund (IMF). Hadii taas la waayo looma samayn karo loomana aqoonsan karo lacag. Mar haddii aysan qolo lahayn lacag u gooni ahna ma noqon karto dawlad
  3. Inay leeyihiin ilo dhaqaale oo joogto ah oo ay ka helaan masruufkooda iyo marashadooda, hadii ay gooni isu taagaan. Haddii kale waxay ciddii aqoonsan lahayd ku fahmaysaa inay tuugsi hor leh u tolanayaan haan qabo ah oo ay dunida koombo dawarsi kula dhex wareegayaan.
  4. In ay leeyihiin shacab dadweyne negi oo tiro buuxiyey, kuwaas oo aan isku qabiil ahayn ee ah qabiilo iyo jinsiyado kala duwan (multicultural), illeen dunida maanta lagama soo dhawaynayo dawlad qabiil ku dhisane.
  5. In ay inta badan tirada dadweynahaasi isku raacaan goosasho ka dib markii laga qaato afti loo siman yahay oo ku dhisan nidaam xor iyo xaddaalad ah oo la hubiyey.
  6. In ay leeyihiin xuduud mucayan oo la isla ogyahay Bad iyo Barriba (hadday bad leeyihiin) oo aan dhana muran uga jirin qaaruumada la deriska ah.
  7. In ay warqad shahaado furriin ah (divorce certificate) ka haystaan dalka ama gobolka ay ka go’ayaan si loo ogaado inaysan cidna meher ugu jriin.
  8. In ay daacwadooda iyo doodooda ku qanciyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 20 ka Dal ee Horumaray – G20, iyo tiro cod dheeri ah oo ay ka helaan.
  9. In ay awood u leeyihiin in ay fuliyaan wixii ay heshiis heer caalami iyo heer gobol ah ee ay galaan

Haddaan ka taabto shuruudaha looga baahan yahay labada dal ama gobole isfuraysa waxaa ka mid ah:

J. Dayntii lagu lahaa oo ay ama bixiyaan intaysan isfurin ay kala saxiixdaan qolo waliba intii ay bixin lahayd si ay ciddii daynta laga qabay u ogaadaan cidda ay xoolohooda u raacanayaan.

  1. Hantidii ka dhexaysay labada dhan – guuto iyo ma guurto oo ay si nabad ah u kala qaataan una qaybsadaan qaab dhaxal ah inta aysan isfurin
  2. Walxaha ama hantiyada dhaxalgalka iyo taariikhiga ah ee ka dhexeeyey oo ay kala saartaan kalana yeeshaan si aysna hadhaw isugu qabsan
  3. Sharciga jinsiyadda labada dhan oo ay kala caddaystaan
  4. Dadka is dhalay, isla dhashay, isu dhaxay ee labada xad kala raacaya oo ay sharci go’an ka yeeshaan
  5. Sharci ay ka yeeshaan isu safarka iyo is booqashada dadka labada waddan ku kala baaha ama dib isugu soo hilooba.
  6. Sharci ay ka yeeshaan macdanaha ukala ama kukala qulqula xuduudaha labada dal oo marba dhan u gudba dhul, bad, iyo hawo intaba.
  7. Sharci heshiiseed ay ka yeeshaan xoolaha nool ee isaga kala gudba labada xad sida shimbiraha, kalluunka, ariga, geela, lo’da, ugaadha, iwm.
  8. Xeer heshiiseed ay ka yeeshaan biyaha isaga kala gudba labada dal sida biyaha macaan ee webiyada iyo kuwa dhanaan ee badaha.

S.             Xeer ay ka yeeshaan is gaarsiinta iyo war tebiska labada dale xagga anteenooyinka iyo dayax-gacmeedka hawada sida kuwa la shaqeeya qalabka internetka&telifonada.

T.             Xeer ay ka yeeshaan isu socodka gaadiidka circa, dhulka, iyo badaha ee labada waddan isaga kala gooshaya.

La soco Qaybta labaad ee qormadaan oo aan ku falanqayn doono waxa uu sharcigu ka qabo wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaliland iyo waxa ay ku heshiin karaan, haddiiba ay bannaan tahay in ay heshiis labo geesood ah yeeshaan. Sidoo kale in ay isfuri karaan iyo ay marka horeba isguursan karaan oo isgeyaan maadaama ay yihiin hal jidh oo isku jinsi iyo sinjiba ah wax kastana isaga mid ah.

W.Qaray: Dr. Qasim Xirsi Faarax (Duullaanjecel), Canada, Toronto

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 29, 2012. Filed under Opinion / Fikrad, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

  1. Shuruudaha kala goynta dalku waxay ugu horrayn ka imaan kartaa oggolaansho dheellitiran oo uu dadweyunuhu isugu raacsan yahay diiwaan gelintooda. Waxaa ka mid ah;

    b) afti uu baarlamaan Soomaaliyeed oo fadhiya u qaaday kala goynta dalka
    t) dadweynaha oo si buuxda ugu codeeya kala goynta dalka
    j) xeerinta kala goynta; goorta la kala go’ayo, qaabka, xeerarka, iwm
    x) meel dhigga sababaha kala goynta dalka; midab, af, diin, isir, iwm

    Waxaa ku xiga in dalalka deriska ah laga dhaadhiciyo, ururrada gobolka, caalamiga.

    Intaas oo dhammaanteed ku xiran in uu soo baxo baarlamaan Soomaaliyeed oo kalsooni buuxda ka haysta dadweynaha uu u taabushaystay burburinta dalka ay hoggaamiyaan. Waa hubaal haddii hal qabiil loo aqoonsado dal inay lama huraan tahay in qabiillad kalena la aqoonsado. Hase yeeshee qofka qabiil dal u aqoonsanaya iyo qofka ku taamaya in qabiilkiisa dal loo aqoonsado waxay hubaal wadaagaan waalli dheellitiran. Waana hubaal dalalka dunidu waxay badanaa leeyihiin dhaqdhaqaan u heellan dalalka kala goyntoodu, sidaas daraaddeed badanaa way diidi doonaan aragtidaas, si dalalkooda khalkhal hor leh uga curan.