Sabti –June 30, 2012 SANCA-YEMEN - Wasiirka arimaha dibada ee dallka Yemen Dr. Abuubakar Cadlalla Al-qarbi ayaa ka gudoomaya qunsulka guud ee Dawladda Soomaaliya u soo magacawday magaalada Cadan waqaddihiisa aqoonsiga H.E Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan)ka dib kulan uu kula qaatay wasiirak wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Yemen.
Ugu horayntii Qunsulka guud ayaa gaarsiiyey wasiirka salaan uu uga waday dhigiisa soomaaliya mudane H.E Cabdulaahi Xaaji Xasan, Wasiirka ayaa qunsulka u balan qaaday in dowladda iyo shacabka YEMEN ay si hagaagsan ula shaqayn doonaan qunsulka cusub kuna gacan siin doonaan howlihiisa shaqo ee loo soo idmaday, tilmaamayna in magacaabistiisu ay qaybka qaadan doonto xoojinta iyo sii horumarinta xiriirka soojireenka ah ka dhexeeya labada shacab iyo labada dale ee walaalaha ah.
Qunsulka ayaa kala hadlay wasiirka, arimaha maalmahanba la hadal hayey ee ku saabsanaa ee la xiriirta in la xaraashayo maraakiibtii ay lahayd dowlada Soomaaliya oo ku xiran dakada Caden , intaas ka dib wasiirka ayaa u sheegay qunsulka guud in uu arinkaa kala hadlay wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda dalka YEMEN kana codsaday in dib loo dhigo xukunka maxkamada inta ay ka imaanayaan wafdi ka socda Xukuumada ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena Qunsulka waxaa uu kala hadlay wasiirka arimaha dibadda ee dalka YEMEN arimaha qaxootiga SOOMAALIDA ah ee ku nool dalka YEMEN iyo sidii loo hagaajin lahaa xaladooda nololeed.
Intaa ka dib qunsulka cusub ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka maraakiibta daymaha ku sheeganaya isla markaana la meel dhigay in ay muhiim tahay in dib loo dhigo xukunka maxkamadda ee maraakiibta SOOMAALIDA inta ay ka imaanayaa wafida DFKG ka socda ee imaanaya dalka YEMEN maalmaha fooda inagu soo haya.
Ugu danbeyntii waxaa la filayaa in Qunsuka cusub ee Soomaaliya magaalada CADAN uu ka qayb gali doono xukunka maxkamada ee dhici doona maalinta Talaadada ah ee taariikhdu tahay 03 July 2012 si uu ABIIL oga qaato inta wafdiga ka socda DFKG ah uu ka imaanayo dalka Yemen.
Dhamaad
Somali General Consular Aden | adenconsular@gmail.com
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login