Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo Udiraya Ku Aadan Sanad Guuradii 52 aad ee Xornimada Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed

Waxaan umadda Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha weyn u leh ee 1-da luuliyo.

Waxaa sharaf ii ah inaan qofkasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu ku nool yahay, la qaybsado caawa farxadda munaasabadda 1-da Luuliyo.

1-da luuliyo oo ah maalintii ay gobolada koofureed qaateen xorriyadda, waxay ka mid tahay maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya umadda Soomaaliyeed.

Waxaan u rajaynayaa ummadda Soomaaliyeed inay caawa ila qaybsadaan faraxadda maalinta xorriyadda Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya ka qaado dhibta haysata Soomaaliya ha noolaato… Soomaaliya ha israacdo…..Soomaaliya ha midowdo Ra’sul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Diraac Salaad Fagaase | Communication Director, office of the PM
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.