Muqdisho xizbiga dadka oo u dabaal dagay 1-da Luuliyo

Kulankaa oo ahaa mid aad u balaaran islamara ahaantaani ay isugu yimaadeeen  Boqolaal shacab ah oo ka kalayimid qeybha kala duwan ee xaafadaha 16 la degmo ee gobolka Banaadir ayna ka soo qeyb galeen madax iyo siyaasiyiin culumaudiin dhalinyaro haween iyo Tageerayaasha xisbiga dadka uuna soo abaaulay gudoomiyaha xisbiga dadka ahna musharax u taagan jagada xilka madaxweynenimo ee dalka sheegayna in uu ka qeybgalayo tartanka bisha august lagu wado in ay dalka ka dhacdo   iyo waliba  fanaaniinta kooxda onkod looguna dabaal dagayay 52 sano guuradii ka soo wareegtay 1-da luulyo taas oo ah maalintii Koofurta Soomaaliya ay Xurnimadeeda ka qaadatay wadanka Taliyaaniga iyo Midowgii labada gobol ee waqooyiga iyo Koonfurta Somaaliya ayaa waxa ay  ka dhacaday Gudaha  magaalada Muqdisho.

Goobta lagu qabtay munaasibada xuska 1da July  ayaa lagu xardhay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo lagu taageerayey gudoomiyaha xisbiga ay ruxayeen taageerayaashiisu sawiro iyo boorar lagu taageerayo musharaxa Prof saciid ciise Maxamuud oo u taagan hanashada xilka madaxweynenimo ee dalka Somaliya  Sida xisbiga dadku waa barbaariyaha ubadka somaliyeed

Waxaan u baahan nahay doorasho cadaalad ah nabad,madaale karti iyo aqoon leh dadka iyo dalkana wax u qaban kara .

Xisbigu waa danta iyo awooda dalka .

Prof saciid ciise Maxamuud waa macalin jaamac ka dhiga dalka mareykanka qalin sita aan qori wadan waana dagaal diid cadaalada jecel ,

Munaasibadaan  52 sano guuradii  1 luulyo ee ku asteeysan  xiligii koofurta Somaaliy ay ka xoreeyday gumaystaha talyaaniga iyo israacii lada gobo ee waqooyiga iyo koofurta Somaliya oo lagu tilmaami karo inuu yahay midkii ugu balaraanaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho mudo ka badan 20 sano  ayaa waxaa  buux dhaafiyay Boqolaal  dad ah oo wajiyadooda laga dareemayo faraxad aad u balaaran islamarkaana xirin dhar u badan hidaha iyo dhaqanka somaalida lulayana calanka soomaaliya.

sidoo kale kooxda fanaaniinta onkod  iyo fanaaniin  ayaa waxa ay iyana goobta ku soo bandhigeen heeso wadani ah oo dadka xasuusinayay taariikhdii hore ee dalka iyo wiliba ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka .

Musharaxa xilka Madaxweyne ahna gudoomiyaha xisbiga dadka Prof saciid Ciise Maxamuud oo hadal dheer u jeediyay dadkii munaasabadni xuska ah ka soo qeyb galay  ayaa  ugu horeyn hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadba   isagoona tilmaamay in dalku uu baahan yahay isbedel siyaasadeed .

Prof ka ayaa xusay taariikhdii gobonima doonka iyo halgamadii uu dalku soo maray  wuxuuna hadalkiisa ku darey in 13 dhalinyaro ah ay xuriyada dalka aasaas u ahaayeen kuwaas oo uu sheegay in aanay laheyn dhaqaale balse shacabka somaliyeed u tilmamay hadafka iyo ujeedada waxaana laga dhaxlay gobonimo sharaf leh iyo calanka dalka .

Hogamiyaha xisbiga dadka ayaa ku  eedeeyey musibadii dalka iyo dadka ku dhacday in ay masuuliyadiisa qaadayaan maamuladii dalka soo maray iyo wadamada dariska ah iyo wadamada shisheeye ee somaliya danaha gaarka ah ka leh waxayna dhaxalsiisay masuuliyiintii hore in ay sameysan waayaan xiriir fiican bulshada caalamka  .

Saciid ciise ayaa shegay in gabonimadii ka dib bulshada somaliyeed la soo gudboonaadeen tacadiyo aan la soo koobi Karin

Madaxweyne Mustaqbalka Prof saciid ciise Maxamuud  ayaa sheegay in 12 kii sano ee ugu danbeyey xaalada dalka somaliya in ay magan u noqdeen maamul KMG ah ayna hogaaminayaa masuuliyiin qasadkoodu yahay in ay boobaan hantida guud ee shacabka in ay boobaan ,waana kuwaas kuwa ugu daran ee umadda rajo beelka ku sameeyey ayuu yiri Madaxweyne Mustaqbalka wuxuuna ugu baaqa shacabka somaliyeed in aysan marnaba ka niyad jabin xaalada ay marayaan .

“Shacabka reer Somaliland waxaan leenahay anagu hadaan nahay reer koofureedka kala gou waana nagu dhib waxaana rajeynayaa hadaan wada hadal yeelanyo in aan iskaashigii dib u hwolgalin doono waana in Somaliland iyo somaliya xalkodu yaal Muqdisho iyo hargeysa “

“waxaan manta ku jirnaa waqtigii ugu xumaamarna ayaan laga rajo dhigin xuruiyadii aabayaasheen u dhinteen loona daadiyaday dhiigaga geesiyiintii soo halgamay “

“Umadda Somaliyeed waa in ay sameysaa iskaashi kana hortagaan qaboolka eexda iyo in ay iska kaashadaannsidii shaqsiyadkii umada baabiyey kuna qeybqaatay maamuladii dalka soo maray aysan dib ugu soo noqon maamulka dalku yeelan doono “

Shacabka ayuu u rajeeyey in bisha soo socoto ay helaan dorasahda ka dib madaxweyne caadil ah .

Munaasabada loogu dabaal degay 52 sano guuradii ka soo wareegtay markii Soomaaliya ka xoroowday gumeystihii Taliyaaniga iyo midowgii labada Gobol ayaa  ah mid iminka ku soo beegmaysa xili ay wada hadlo hordhac ah yeesheen dowlada  kmgs iyo somalilanad taa oo rajo wanaagasan laga muujinayo

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login