Xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Talyaaniga waxaa daqiiqado ka hor shir uga furmay kooxda xiriirka caalamiga ah {international contact group} & xubno ka tirsan dowladda federaalka, maamulada Galmudug, Puntland, Ururka Ahlusuna & Unpos.. Shirkan oo loogu talogalay inuu socdo 2 cisho, waxaa furay wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Julio Tersi, waxaana khudbado uu jeediyey uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya & sida ay lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya garbaha la qabto si ay mar kale cagaheeda isugu taagto, wuxuuna kaga mahadceliyey dalalka Uganda, Burundi, Kenya & Itoobiya yabooha ciidan ee ay Soomaaliya siiyeen.
“Talyaanigu wuxuu safka hore kaga jiraa dalalka ku garab istaagan Soomaaliya ina y soo ceshato dowladnimadeeda” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya oo amni & kala dambeyn lagu soo celiyo inay muhiim u tahay beesha caalamka. “Soomaalidu waa in ay lahaataa go’aanka ugu dambeeya in dalkooda nabad & kala dambeyn ay ku soo ceshato, Itaaliya waxey sameyneysaa si kasta oo ay Soomaaliya nabad ku heli karto” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga” “Arrimaha Soomaaliya dhameystir un ayey u baahan tahay waqtiga lagu soo aadiyeyna waa waqti mudan, dedaalka ay ka geysatay beesha caalamka sida ay Soomaaliya uga bixi laheyd dhibaatada waan ka mahadcelineynaa, Mahiga waan uga mahadcelineynaa sida uu u daadihinayo shirarka kooxaha xiriirka caalamiga ah laga soo billaabo heshiiskii Kamapala, Muqdisho, Garoowe, London & Turkiga, lagana caawiya ummadda Soomaaliyeed sidii ay wax u qeysan lahaayeen ” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Xassan oo khudbad kooba ka jeediyey furitaanka shirka, wuxuuna intaa ku daray in diyaargarowga lagu soo xulayo baarlamaanka cusub uu meel wanaagsan marayo, ayna howsha soo xulista xildhibaanadu billaaban doonto wixii ka dambeeya 6-da Luuliyo.
“Haddii dib loo jaleeco wixii la soo maray & isbedelka maanta waddanka ka dhacay waa arrin guul ah oo lagu faani karo, haddii KMG uu dhammaado in weji cusub loo furo dalka shaqo loogu abuuro, haddii aan dadka shaqo loo abuurin dhibaatada halkeeda ayey ka soconeysaa, haddii bini’aadamku shaqo waayo wuxuu mashquul ku noqon karaa arrimo dhibaato ah” ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan. “Amisom waa in dhaqaale & hub la siiyo si ay ugu fududaato in ay dhammeystiraan haraaga argagixisada Alshabaab, ciidamadeena la dhiso” ayuu yiri Shariif Xassan. Shariif Xassan wuxuu sheegay in nabaddeynta, maalgelinta & tababarada aan lagu koobin Muqdisho oo keliya balse la gaarsiiyo gobolada dalka, si magaala madaxdu ay uga yaraato culeyska & dadka tirada badan ee ku soo jabaya.
R/wasaare Prof. C/weli ayaa isna khudbad aad u qiima badan ka jeediyey furitaanka shirka, wuxuuna khudbadda ku furay isagoo la kaftamayey wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga inuu ka xun yahay guul-darradii xalay dhabarka loo saaray xulka Qaranka Talyaaniga ciyaartii kama dambeysta aheyd ee dhexmaratay xalay xulka Spain. C/weli wuxuu ka hadlay marxaladihii ay Soomaaliya soo martay ilaa waqtigii gobonimo u dirirka, ilaa markii xorriyadda la qaatay, wuxuuna Soomaaliya & Talyaaniga xiriirkooda ku sifeeyey xiriir aad u adag oo soo jireen ah, isagoo dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey sida ay mar walba isu garab taagto Soomaaliya marka baahideedu joogto. Prof. C/weli wuxuu sheegay in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaageyso, ayna rajo ka qabaan in ka hor bisha Ogoosto dalka laga sifeeyo kooxda nabad-diidka ah ee Alshabaab, wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in halka ay Soomaaliya joogto laga sii ambaqaado, si loo fududeeyo gaaritaanka nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.
“Afgooye bil ka hor ayaa laga xoreeyey argagixisada, todobaad ka hor waa laga xorreeyey Balcad” ayuu yiri C/weli, wuxuuna cambaareeyey qaraxii shalay ka dhacay kaniisado ku yaala Gaarisa-Kenya. “Waxaan rabaa inaan cambaareeyo weerarkii argagixisada Alshabaab ka geysteen Gaarisa” ayuu yiri C/weli, wuxuuna intaa ku daray in dedaaladii la sameeyey 10-kii cisho ee ugud ambeeyey ay bud-dhig u noqon doonaan sidii loo soo afjari lahaa waqtiga KMG ah. “Waxaan ku soo koray marxalad ii suurtagelisay inaan helo waxyaabaha asaasiga u ah nolosha sida waxbarasho, caafimaad, nabadgelyo & shaqo, caruurta Soomaaliya ku nool ee ah mustaqbalka berri waxey u qalmaan inay helaan intaas in ka badan” ayuu yiri C/weli, wuxuuna u mahadceliyey dalalka ay ciidamadoodu ka howlgalaan Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay in ay Soomaaliya la qeybsadeen dhibaatada.
“Caruurtiina ayaad na soo siiseen, oo aad ku soo aaminteen sidii ay gacan inoogu siin lahaayeen xasilinta nabadgelyadda dalkeena, ma iloobi doono sida aad inoo caawiseen” ayuu yiri C/weli. Wasiirka gaashaandhiga dalka Uganda oo ka mid ahaa wasiiradda furitaanka ka hadlay isna wuxuu sheegay in ay Soomaaliya u soo gurmadeen, sababtaasina ay tahay in Soomaaliya ay tahay dal Afrikaan ah, ayna ka damqanayaan caruurta & hooyooyinka dhimanaya, wuxuuna beesha caalamka weydiistay in ay taageero hub & dhaqaale ah la soo gaaraan askarta Afrikaan ah ee jooga Soomaaliya. Ajendayaasha shirka looga hadlo doono ayaa ah sidatan:-
Maanta
1) Dhameysitirka xilliga kala guurka
2) Istaraatiijiyada kala guurka kadib sidii loo wajahi lahaa howlaha muhiimka ah.
3) Meelmarinta go’aanadii ka soo baxay shirkii Istanbul & London.
Berri
1) Arrimaha ku saabsan amniga & cadaaladda
2) Sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa kooxda xiriirka caalamiga ah (contact group)
3) Sidii loo taageeri lahaa AMISOM & ciidamada nabadgelyadda Soomaaliya.
Ergadda shirka ka qeybgalaysa ayaa kala ah:
Ergada Galmudug
1) Xassan Maxamed Saciid Samatar, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, ahna la dagaalanka Burcad badeeda.
2) Maxamuud Ducaale Kaahiye, Wakiilka Galmudug ee Waqooyi Ameerika ahna La taliyaha Madaxweynaha.
Ergada Ahlu Sunna
1) Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf Aw-libaax Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee Gobolada Koonfureed.
2) Maxamed Khaliif Jaamac { Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Gobolada Dhexe}
3) C/llaahi Macalin Nuur { Taliyaha Ciidanka Ahlu Sunna ee Gobolka Banadir}
Ergada Puntland
1) C/qaadir Cabdi Xaashi Wasiirka Xiriirka Caalamiga Puntland.
2) Cabdi Faarax Juxa Saciid {Wasirka Waxbarashada Puntland}
Ergada Dowlada
1) Shariif Xassan Sheekh Aadan {Gudoomiyaha baarlamaanka}
2) C/weli Maxamed Cali Gaas {Raisul Wasaare}
3) Xuseen Carab Ciise {Ku-xigeen R/wasaare ahna Wasiirka Gaashaandhiga}
4) C/raxmaan Xoosh Jabriil {Wasiirka Dastuurka}
5) Cali Feysal Dirir Kuxigeenka {Wasiir ku-xigeenk Maaliyadda}
6) Sagal Maxamed Abshir {La taliye}
7) Burci Maxamed Xamza Xildhibaan.
8) Cusmaan Maxamed Osman Xildhibaan
9) Maxamed Cumar Axmed {La taliye}
10) Liibaan Xasan Sheekh (caawiye)
W/Q C/shakuur & Saalah Dheere Roma-Italia – s.dheere@hotmail.com cabdishakuur48@yahoo.com
_____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize