Sidee ayey Soomaalida Malaysia ugu dabaal dageen sanadkan xoriyada 1-da Luulyo?

Xaflad si heersare ah loosoo agaasiyey, ayaa ka dhacdey Hoolka weyn ee xafladaha, ee Jaamacada Caalamiga ah ee Islaamka (UIA) ee Caasimada Kualalumpur ee Dalka Malaysia.

Xafladan qiimaha badan ayaa waxaa Soomaalida ku nool dalka Malaysia si  sharaf badana ugu wada casuumey, si habsani lehna isugu soo dubaridey, Madaxda sare ee Ururka Guud ee Ardeyda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia, ee loosoo gaabiyo (SSSM), ee uu Gudoomiyuhu u yahay Mudane: Moowliid Axmed iyo teamkiisa, Safaarada Cusub ee Soomaalida dalkan Malaysia-yana eey Qeyb libaax leh ka qaadatey, iyadoo Goobta xafladaba eey wada fadhiyeen, Safiirka Soomaaliya U fadhiya dalka Malaysia H.E Ambassador: Salad Ali Ibraahim, Safiir ku xogeenka Safaarada Mudane: Cabdiraxman Jaamac, Xogheynta Safaarada: Mr. Muqtaar, iyo Ganacsadaha weyn, kana mid ahaa wafdigii Safiirka Mudane: Cabdullahai Yuusuf.

Xafladan oo si hamsami badan u soconeysey, ayaa waxaa qudbado kala duwan, oo aad u qiiro badnaa, isuguna jirey Dib isu xasuusin Taariikheed, Guubaabo iyo Dhiiragalinba, kasoo kala jeediyey, Safiirka Soomaaliya U fadhiya dalka Malaysia H.E Ambassador: Salad Ali Ibraahim oo aad ugu dheeraadey taariiqdii halgankii Ummadeena, Sidii eey isu jeclaayeen oo eey dhiig iyo dheecaanba ugu hureen Calankaa eeynu wada hoos harsaneyno, isagoo dhinaca kalena, si hufanna u faahfaahiyey waxqabadka Safaarda intii yareyd ee eey furneyd, iyo in eey waxkasta ka hormarindoonaan qancinta iyo wax u qabadka muwaadinka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Malaysia. Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia Dr. Muuse Maxamuud, ahne bare waxna ka dhiga isla jaamacada Caalamiga ah ee Islaamka ayaa isagana goobta ka qudbeeyey. Waxaa sidoo kale qudbado heer sare ah kasoo kala jeediyey goobta Dr. Cabdisalaam Xuseen Mallah iyo  Dr. Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” oo labaduba ah Macallimiin Soomaaliyeed, oo wax kawada dhiga Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Jaamacada Caalamiga ah ee Al-Madinah International University. Waxaa sidoo kale Qudb aad u qiimo badneyd, oo guubaabo aheyd goobta kasoo jeediyey Gudoomiyaha Ururka Guud ee ardeyda Soomaaliyeed ee Dalkan Malaysia: Mudane Mowliid Axmed, Iyadoo Walaasheen Canab Nuur Hiloowle, oo ah ardayad barata Bangiyada iyo Dhaqaalaha Islaamka, waliba heer Shahaadada sare ee PhD-da ah qudbad sacab badan kasbatey iyo gabey qiiro badnaa oo iyadu eey iyada aliftey goobta kusoo bandhigtey. Waxaa sidoo kale goobta ka qudbeeyey Jeneral Maxamed Warsame, oo loo yaqaano “Gen. Dhooleey” oo arimo caafimaad wadanka Malaysia usoo gaarey, ahaana mid ka mid ah, Jananadii hore ee Police Soomaaliyeed, iyo gudoomiyihii Saraakiishii Ciidamadii hore ee Waqtigii Maxaakimta dib la isugu yeerey. Waxaa iyana xusid mudan in Police-ka Xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Gomback iyo Wufuud Ajaanib ahba goobta eey joogeen, iyadoo Saaxafada Soomaaliyeedna uu inagala Joogey Wariyaha caanka ah ee: Axmed Abuukar Azhari, kana socdey TV-ga Caalamiga ah ee SOMALICHANNEL, iyo Xamza Shariif oo isna ka socdey HC production iyo Engineer: Faarax Osman Jimcaale oo isna ka socdey Markonews iyo Saxaafad kaloo Soomaaliyeed oo farabadan.

Guud ahaan Xafladu waxeey isugu jirtey, Qudbooyin, Muuqaalo video-yo ahaa, oo midnimada iyo wadaniyada ka turjumayey, heeso Wadani ah oo Cod oo kaliya ahaa, kuwaasoo eey inoo qaadayeen ardey yaryar oo ku wada labisnaa Calanka Soomaaliyeed iyo Astaamaha Qarankeena Soomaaliyeed.

Xaflada dabaaldaga sanadkan waxeey aheyd xaqiiqdii mid kuwii hore waxyaabo farabadan uga duwaneyd. Waa marka koobaade, waxey aheyd  xafadladii Xoriyada iyo Midow-geena ee Koowda Luulyo (July1) loogu dabaaldagayo, ee ugu horeeysey ee ebid Malaysia ka dhacda, taasoo Safiir Soomaaliyeed oo Malaysia fadhiya uu farxadaa Ummadiisa la qeybsado. Inta badan waxaa imaanjirey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Indonesia H.E. Ambassador Maxamuud Coloow Baroow. Waxaa farxad kaloo xusid mudan ah, in xaflada sanadkani kusoo beegantey, iyadoo  xili isbadallo waaweyn,oo wanaag badani wadankii hooyo eey ka dhacayaan, iyadoo Qurba-joogu uu wadankii kusii qulqulayo, Sawirada jimcaha ee Xeebto liido iyo Curubo ee Caasimadii Qaranka ee Muqdisho, ee Warbaahinta kawada muuqdana xaqiiqdii indhuhu ku doogsanayaan, oo yadadiilo nabadeed iyo Rajoba ina wada galinayaan, iyadoo sidoo kale markii ugu horeeysey mudo dhowr iyo labaatan sano ah kadib, eey wadanka duulimaadyo caalami ah ka sameyneyso, mid ka mid ah diyaaradaha ugu caansan, uguna sumcada badan Qaarada Yurub eeTurkish Airline.

Ugu dambeyn habeenkaa Qiimaha iyo Qaayaha badan, ayaa ummadii kasoo qeybgashey waxeey kala tageen, Qiiro wadaninimo, wacyi galin baahsan, iyo dareen aad u sareeya, oo qiiro Soomaalinimo ka burqaneeyso,  kaasoo ka turjumayey u hiloowga Ummadeenu uqabto, in wadankeeni hooyo nabad inoo wada noqdo, si midnimo, isjaceyl walaaltinimo, bashbash iyo warwaaqana aan ugu wada noolaano, ileyn isagaa ina wada deeqa, oo inaga badane. Gabagabadii iyo Gunaanadkiina si guul ah ayey kusoo gabagaboowdey xafladii Koowda luulyo ee sanadkan 2012-ka, ee loogu dabaaldagayey Xornimada iyo midnimada ummadeena qaaliga ah ee Soomaaliyeed. Ugu dambeyna waxaa Mahad gaar ah iska Leh Ururka Guud ee Ardeyda Soomaaliyeed ee dalkan Malaysia, ee loosoo gaabiyo (SSSM),  oo xaqiiqdii muda dheer ku howlanaa qabanqaabada xafadlan Qaran, Kuna guuleystey kamirodhalinta dadaalkoodii hufnaa, kasoo soomaalida Malaysia eey aad uga wada maqsuudeen, ugana wada mahadceliyeen.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”

Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com

-Dhamaad-

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.