Siminaar ku saabsan kaalinta haweenka ay ku horumarin karaan nabadda oo Muqdisho lagu qabtay

In ka badan 150-Haweenka Muqdisho ayaa maanta ka qeyb galay Siminaar ku saabsan kaalinta ay haweenku ku horumarin karaan nabadda, waxaana siminaarkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliya (UYS) ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda KMG ah iyo haween ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Marwo Jawaahir Baarqab oo ah Guddoomiyaha ururka Haweenka G/Banaadir kana tirsan haweenka Qurba Joogta ah ayaa ka warbixisay heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen haweenka, waxayna sheegtay in haweenka mar kastaba ay ragga uga dadaal badan yihiin u damqashada dhallinyarada.

“Waa haweenka kuwa maanta u taagan badbaadinta dalka iyo dadka” ayay tiri marwo Jawaahir Baarqab oo sheegtay dhinaca kale in horumarka uu maanta dalka ku tallaabsaday iyo guulaha la gaaray in haweenka ay ku leeyihiin doorka ugu firfircoon.

Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin) oo ka mid ah guddiga haweenka UYS ayaa ka dhawaajisay in qaabka ugu haboon ee lagu wacyi gelin karo haweenka ku sugan goobaha ay Shabaabku maamulaan ayaa sheegtay in qaabab badan lagu gaarsiin karo wacyi gelinta bacdamaa ay sheegtay in Soomaalidu ay cod isku gaarsiiso farriimaha, waxayna soo jeedisay in haweenka goobahaasi ku sugan loo furo seminaarro lagu wacyi gelinayo si ay iyana dhinacooda uga qeyb qaataan inaan haweenka la marin habaabin.

Sidoo kale Raxmo Daahir oo ka mid ah xubnaha guddiga haweenka ururka Midnimada Dhallinyarada UYS ayaa ka hadashay sida Haweenka Soomaaliyeed ay u sameyn karaan dallad ay ku mideysan yihiin, waxayna tilmaantay in haweenka iyagoo kaashanaya wasaaradda Haweenka amaba si madax bannaan ay ugu midoobi karaan, iyadoona sheegtay in tallaabooyinkaasi lagu guuleysan karo oo kaliya marka hareer maraan qabiil qabiil iyo is kooxeysi isla markaana si Soomaalinimo ugu midoobaan.

Cafoon Wehliye Siyaad oo ka tirsan Haweenka ururka UYS ayaa si gaar ah uga hadashay doorka hooyada ay ku leedahay wacyi gelinta nabadda, iyadoo si cad u sheegtay in haddii aanay haweenku ka qaadan door muuqda aan la gaareynin nabadda la baadi goobayo.

Mudadii uu socday seminaarka ee ay socdeen khudbadaha ayaa waxaa dhextaal u ahaa heeso iyo suugaan lagu maamuusayay 1-da Lulyo oo ku beegan sanadguuradii 52-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada Koonfurta Soomaaliya iyo midowga Koonfur iyo Waqooyi.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigley) Deeqo C/qaadir Axmed ayaa halkaasi ka jeedisay khudbadda xiritaanka Seminaarka, waxayna ugu horeyntii u mahad celisay haweenka ka soo qeyb galay seminaarka, iyadoona ku gubaabisay haweenkaasi in casharada ay halkaan ku barteen ay u sii gudbiyaan haweenka kale ee aan nasiibka u yeelan seminaarkaan, iyadoo si gaar ah ugu mahad celisay Ururka Midnimada Dhallinyarada Soomaaliya (UYS) sida ay had iyo goor ugu dadaalayaan in haweenka ay door muuqda ku yeeshaan howlaha lagamamaarmaanka u ah dalka.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login