Xulka Isbeyn oo Difaacday Euro 2012

Xulka Isbeyn oo Difaacday Euro 2012 iyo Talyaaniga oo 12 sano ka dib Markale ku Jabay Finalka Euro

Xulka Isbeyn oo Heystay Koobkii Euro 2008 aya Xalay ku Darsaday Markii 2 Kobka Euro 2012 oo ay wadajir u Martigaliyeen Wadamada Poland vs Ukraine.

Kulankaan oo ahaa mid La wada sugayay isal markaana inta badan Soomaalida Gudaha iyo Dibada ku dhaqan Wareysiyo aan ka sii qaadnay ka hor intii aanay dhicin Ciyaartaasi sheegay inay Badinayaan Talyaaniga oo 44 sano ka hor Koobkaan ugu Dambeysay ayaa Candhuuftooda dib U liqay markii ay u adkeysan Waayeeen Guuldarada Xanuunka Badneyd ee Xalay ku Habsatay Talyaaniga oo sidaan oo Kale Finalka Euro 2000 ay uga Qaadeen 2-1 Xulka Fransa waqti dheerigii lagu daray Goolshana waxaa ka akla dhaliyay Goolahye Toldo oo Xiligaasi u Hayay Talyaaniga 11 Wiltord iyo 20 Trezeguet.

hadaan u soo Noqdo Kulankii Finalak Euro 2012 ee Xalay ka Qabsoomay Xaasimada Ukraine ee Kiev Bilowgii ciyaarta daqiiqadii 1 Pirlo ayaa Kor Mariayya Laad Xoogan Goolka Isbeyn.

Daqiiqadii 6 Ramos ayaa Madaxa ku sigay Karoos gaaban oo uu soo Salaxay 8 Xavi,Daqiiqadii 9 Xavi ayaa Halis Galiyay Goolka uu ilaalinayya Goolhaye Buffon,Daqiiqadii 14 Kubad uu dhinaca kala soo Jibaaxay 10ka Isbeyn Fabregas waxaa u badalay Gool 21 Sila oo si miyir ku jirto Madaxa ugu dhaliyay Kubadii uu u soo xaday 10 Fabregas Daqiiqadii 20 3 talyaaniga unaCiyaara Naadiga Juventus Chellini ayaa Jilibka ka dhaawacmay iyadoo lagu badalay Lambarka 6.

Gudub uu soo qaaday 10 Cassano Daqiqiadii 26 waxaa 9 balotelli oo isku qaban qaabiaya inuu Madaxxeeyo ka soo Saaray Goolahayaha Isbeyn iyo Nadiga Real madrid Iker Casilas.

Daqiiqadii 28 cassano aaya ka qasaariyay Talyaaniga Fursad aad mUhiim u aheyd

 Daqiiqadii 32 Laad Xoogan oo laaday Cassano waxa aFaro cidi leh ku Saaray Goolhayaha Xulka Isbeyn.

Daqiiqadii 41 18ka isbeyn kana ciyaara Difaaca Jordi alba ayaa kaga naxsaday Talyaaniga Goolkii Labaad Kaasoo Niyad Jab Galiyay talyaaniag oo islahaa waa soo Gudi doontaan Goolka la idinkaga Horeeyay,Waxaana qeybtii Hore Lagu kala Nastay 2-0 ay ku Horeeyaan Xulka Difaacanaya Euro 2012 Isbeyn.

iksu soo Noqodkii qeybtii Labaad e Ciyaarta weeraryahanka Naadiga Udinesa lambarka 11 u qaata Xulak talyaaniga oo lagu badalay 10 Cassano ayaa lumiyay Gool Muhiim ahaa waxaana Di natale uu ku Beegay Lad qaboow oo uu Laaday Goolhaye Casilas
Labada Xul qeybtii danbe waxaad moodeysya in Talyaanigu is dhibay marki di natale cunay Fursdaasi uu la taahy Goolka afkiisa e loogu dhiibay Xuluulka.

Daqiqiadii 75 waxaa Badel ku soo Galay 9 Torres oo badelay 10 Fabrigas waxaana uu Torees Xaqiijiyay Goolkii 3 ee sii adkeeyay Guusha Xulak isbeyn,iyadoo Kii 4 oo uu dgigeyna isla Torres uu u dhaliyay Xulka isbeyn Daqiqiadii 88 Ciyaaryahn Matta oo sitay Lambarka 13 Bedelna ku soo Galay Ciyaarta waxaan Talyaanigu kala dareeray garoonka Niyad Jab aad u xoog badan ka dib Markii 4-0 ay uga Taqluseen Xulka Isbeyn oo Markoodii 3 hantay Koobkaan isla Markaana 2 jeer oo is xigay Sanadihii 2008 iyo 2012 ku wada Guuleystay Koobkaan.

Gudoomiayaha Uefa Michel Platini isla Markaana Qudhiisu isagoo Kabtan u ahaa Xulka Faransiiska kula Guuleystay Koobkaan 1984tii ayaa Xalay Gudoonsiiyay Koobka Euro 2012 oo ay Difaacdeen Xulka Isbeyn.

Wxaaa Diyariyay
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’   Uurdoox2012@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 2, 2012. Filed under Ciyaaraha, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login