Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay booqday Xarun shirkada lacagaha u daabeceysa Dowladda Soomaaliya oo ku taal Magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaas oo uu Madaxweynaha booqasho ku joogo.
Shirkada ayaa horay heshiis ula gashay dowladda inay lacago cusub u daabacdo Soomaaliya, iyadoo wax badan la iska weydiinayay qaabka heshiiska u dhacayay iyo tuhuno jiray, xilligaas oo Wasiirkii Maaliyada uu ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada ah Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif ayaa warbixino ka dhageystay Madaxda Shirkada lacagaha u daabeysa oo lagu magacaabo Eng. Maxamed XCasan Al-Bahi, kaasoo uga warbixiyay habka ay wax u socdaan, iyo sida ay uga taxadireen dhinaca ammaanka, gaar ahaan lacagta oo aan xilligan la been abuuri karin.
Waxaa uu Madaxweynaha bogaadiyay sida howsha u socoto, isagoo eegay makiinadaha lacag sameynta iyo qaar ka mid ah daabacada lacagta, waxaana uu ka codsaday inay dedejiyaan.
Al-Bahi ayaa sheegay in farsamada ay lacagta u isticmaaleen ay tahay mid casri ah, isla markaana aan laga been abuuri karin, isagoo cadeeyay in dhowaan ay soo gaba gabeyn doonaan daabacadooda sida uu yiri.
Eng. Al-Bahi ayaa sheegay in shirkada ay horay lacago ugu daabacday dalal badan, isla markaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin ilaa 30-Banki oo ku yaala Caalamka, ayna ka qeyb qaadato sameynta baasaboorka iyo kaararka aqoonsiga.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay lacago cusub ay soo daabaceyso, kadib markii lacagtii shilinga Soomaaliga ay noqotay mid qiimaheeda uu hoos u dhacay, isla markaana sheyga ugu weyn iyo kan ugu yar uu yahay kunka Shiling, waxaana lacagaha cusub ee ay soo daabaceyso dowladda ku jira lacago sanuud ah iyo lacago ka hooseeya kunka shiling ee hada isticmaalkiisa taagan yahay.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login