Ahlusuna oo cambaareeyay Macalinkii Al-Shabaab ku gowraceen degmada Ceelbuur

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa si xoogan u cambaareeyay Macalin Dugsi quraan wax ka dhigayay malcamadaha ku yaal degmada Ceelbuur, oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gowraceen.

Bayaan ka soo baxay Culumaa’udiinka ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid ka baxsan shareecada islaamka iyo bani’aadanimada, iyo mid waxashnimo, waxaana ay fariin u direen dadka ku nool Ceelbuur inay kacdoon sameeyaan.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Diinta Islaamka aanay qabin xoolaha in la tusiyo midida lagu gowracayo, iskaba daa qof bani’aadam ah in midi inta loogu shaleeyo qoorta looga jaro, kaasoo Culimada ku tilmaameen dhaqan laga minguuriyay dalalka shisheeye.

Culimada ayaa sheegay in Sheekh C/salaan Maxamed Barre oo ahaa macalin dugsi quraan uu ahaa nin ka qeyb qaadanayay faafinta diinta Islaamka, iyo sidii caruurta uu u bari lahaa quraanka Kariimka, waxaana ay xuseen in falka Shabaab ku gowraceen uu yahay mid lagu suulinayo fidinta diinta islaamka.

Ugu dambeyn Culumaa’udiinka ayaa Alle uga baryay Sheekha in janadiisa fardowso ka waraabiyo, isla markaana gacantii ka xaqdareyn uu ciqaab adag marsiiyo.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login