iidamo ka socda Wadanka Siiraaliyoon ayaa maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.
Saacid waxa uu sheegay in Ciidamadan ka socda wadanka Siiraaliyoon ay maanta soo gaarayan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho islamarkaana ay ku biirayaan 69 Naygeeriyaan ah oo horay ugu sugan Muqdisho.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM Saacid Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay ka howlgalayaan Degmooyinka Hodan, Xamarweyne, Madiina iyo labo goobood oo kale.
“Cutubka horay u yimid wuxuu ka socdaa Nayjeeriya, waxay gaarayaan 69 waxayna yimaadeen bil ka hor, sidoo kale waxaan cutub kale ka filaynaa Siiraaliyoon, waxayna imaanayaan Jimcaha tiradoodana waa 30 Askari, hadda Ciidamada waxay joogaan shan goobood oo kala ah Hodon, Xamarweyne, Madiina, iyo labo goobood oo kale, markasta oo Milatariga sii dhaqaaqaanna Ciidamadeenana waxay sii wadayaan ka garab shaqeynta Police-ka Soomaaliyeed, taasina waa sababta keenta Kordhinta Police-ka AMISOM, marka hore waxaan ku bilaabaynaa labo boqol iyo lixdan iyo kow waajibkooda waa inay taageeraan, tababaraan, Kormeeraan islamarkaana ay talooyin siiyaan Ciidamada Police-ka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM Saacid Maxamed Amiin.
Ciidamo Boolis ah oo ka socda Dowladda Naygeeriya ayaa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyey Saacid Maxamed Amiin Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login