Faroole ‘ Anaga iyo Ethiopia xiriir wanaagsan baa naga dhexeeya

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inay xoojiyeen heshiis ay horay u wada galeen Dowladda Itoobiya, kaasoo ku saabsan in shaqsiyaadka dambiyada ka soo gala labada dhinac ay is dhaafsadaan.

Isagoo shalay ka hadlayay Magaalada Garowe oo uu dib ugu laabtay, ayaa sheegay in Itoobiya ay kula heshiiyaan iskaashi xaga ammaanka, isagoo xusay in horay lagu xaman jiray in dadka ka soo jeeda deegaanada ismaamulka soomaalida ay beel ahaan loogu tirin jiray inay u cafiyaan.

“Ninka qoriga wata ee marka uu dhibaato ama dambi xagaas ka soo gala, ee halkaan yimaada, waxaa ku heshiinay inaan is dhaafsan, dadka halkan dambiyada ka soo galana inay nagu soo wareejiyaan”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Mr Faroole ayaa sheegay in aanay aqbali doonin dadka dambiyada ka soo gala Itoobiya inay ku soo dhuuntaan Puntland, sida uu yiri.

Maamulka Puntland ayaa horay Itoobiya ugu wareejiyay dad ka soo jeeday Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Kilinga Shanaad ee Ogaadeeniya, iyadoo dadka qaar ahaayeen kuwo ka baxsanaya dhibaatooyinka ka jira dhulka ismaamulka soomaalida, iyadoo Puntland ay u dhiibtay Itoobiya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.