Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Al-Shabaab ee degmadaas saaka xabsiga la dhigay, kadib markii lagu soo eedeeyay lunsasho raashin gar gaar.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Gudoomiyaha Al-Shabaab ee degmada Jowhar Maxamed C/llaahi ayaa lagu xiray Xaruntii UNICEF, oo saldhig u ah Shabaab.
Gudoomiyaha Shabaab ee Shabellaha Dhexe Yuusuf Kaba-kudukade ayaa la sheegay inuu xabsiga dhigay Gudoomiyahan oo lagu soo eedeeyay inuu leexsaday raashin gar gaar oo Hey’adda Islamic Relief ay geysay Gobolka.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Al-Shabaab waxay ka wadeen magaalada Jowhar iyo qeybo ka mid ah howlo raashin qeybin ah, kaasoo dadka tabaaleysan raashin gar gaar ah oo baqaaro ku jiray loo qeybinayay.
Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe, hase ahaatee mas’uulkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo ka tirsan Maamulka Gobolka oo la xiro.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize