Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka ay Somalida taariikh ahaan u leedahay ayaa todobaadkan lagu qabtay magaalada Zwolle ee xarun u ah gobolka Overijsel ee dalka Nederland.
Xafladaasi oo uu soo qaban qaabiyey ururka Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan iyo madax ka socotay hayáda caawisa dadka qaxootiga ee VVN iyo waliba masuuliyiin ka tirsan dowlada hoose ee Zwolle.
Gudoomiye ku xigeen C/qaadir Cali (Nuune) ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uuna ka waramay taariikhda iyo waxqabadka ururka Somalida Zwolle. “Ururkan Somalida Zwolle waxaa la aasaasay 1994, waxa uuna wakiil ka yahay dhamaan dadka Somalida ee ku nool Zwolle iyo nawaaxigeeda, waxayna dadku ka qeyb qaadan dhamaan howlaha uu ururka qabto. Waxaa ka mida waxyaabaha uu ururkan ku guuleystay in dadka Somalida ee Zwolle ku dhaqan ay yeeshaan meel ay ku kulmaan oo ay ku kala war qaataan.

Ururka waxa uu isku dayaa inuu Somalida ka caawiyo xalinta dhibaatooyinka la soo dersa sida hadii ay geeri dhacdo, inkastoo ay dhici karto in ururka uusan mararka qaar buuxin dhamaan baahiyaha jira sabab xaga dhaqaalaha awgeed, waayo ururka si toos ah dhaqaalo ugama helo hayádaha dowliga marka la reebo in sanadkii nala siiyo lacago yar oo caawa oo kale aan xafladan ku qabanay.” ayuu yiri Nuune oo intaa ku daray in dhamaan xubnaha ka tirsan ururka Somalida Zwolle ay ku shaqeeyaan si taba-rucaad ah oo iskaa-wax u qabso ah.
Nuune wuxuu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in Soomaalidu iyaga oo aan ciddna ku tashan in marka hore dhexdooda ay iska soo dhisaan, maadaama ay ka wada dhexeysa maslaxad guud oo ah, in la noqdaan ummad isku xiran, isla markaana si wadajir ah wax u wada qabsada, oo qof kasta oo Soomaali ah qofka uu wax dheer yahay, uu u faa’ideeyo, la iskana daayo xasadka & isu quuri-waaga ay dhici karto in dadkii qaarkii ay ictiqaadsan yihiin, wuxuuna tilmaamay in albaabadiisu u furan yihiin shaqsi kasta oo Soomaali ah, uuna waqtigiisa u hurayo intii uu kari karo qofkii uu wax ku kordhin karo.
“Aniga waxaa rumeysnahay wiil kasta oo Soomaali ah inuu walaalkeey yahay, gabar kastana sidoo kale, dadka waddankan ku soo hormaray ee fursadihii ay heleen ka faa’ideystay waa in ay u hiiliyaan dhalinyarada dhowaan soo gashay, ayna siiyaan fikrado ay wax ku baran karaan, waxna ku qabsan karaan” ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuuna intaa ku daray in ay nasiib darro tahay in Soomaalidu noqdaan ajnabiga ugu badan ee lacaga ceyrta ah qaata, ayna iska dhaadhicisay in ceyrtu ay ka culeys yar tahay shaqada, maadaama lacagaha la qaadanayo ay isku dhowyihiin, wuxuuna fikirkaas ku tilmaamay mid is liidid ah, oo qofkii sidaa u fikira uu la qabsanayo noloshaas, oo aanu hadhow shaqo kasta ee uu helo uusan la qabsaneyn.
“Waa in la isku dhiirageliyaa in la shaqeysto, waxna la barto” ayuu yiri Nuune. Isku-duwaha hayáda caawisa qaxootiga ee VVN-ta ee Zwolle Mr.Rik Joziasse, ayaa goobta ka hadlay, waxa uuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Somalida Zwolle kala qeyb qaato xaflada bandhiga dhaqankooda, waxaase uu sheegay inay nasiib daro ah in Nederlands-ka ay u yaqaanaan Somaliya dalkii saboolnimada, gaajadaa, burcad badeeda iyo dagaalada. “Laakiin aniga aad baan ula dhacay dhaqanka Somalida, waayo waa dad furfuran, soo dhoweyn badan jecel inay dad si wanaagsan ula macaalimaan,” ayuu Mr. Joziasse.
Cali Cabdi Awaare oo ka ah maamulaha ururka SOMVAO oo ka qeyb galay munaasibada bandhiga dhaqanka Somalida ayaa isna halkaasi ka jeediyey hadalo kooban oo ku muujiyey sida uu ugu faraxsan inuu Somalida Zwolle kala qeyb qaato bandhiga Hidaha iyo dhaqanka Somalida. “Aad baad ugu mahadsan yihiin dadkii ka soo shaqeeyey bandhigan quuxda badan lagu muujinayo qiimaha uu leeyahay dhaqanka Somalida.

Sidaan og nahay wadankeenii wanaagsanaa ee quruxda badnaa ee Somalia waan ka soo wada cararnay, taasina waxaa keentay muskilad aan anagu gacmaheena ku sameenay.” “Dhib ma leh, wax kasta waxay ku dhacaan qadarta Alle, dadkan aan la joogno ee Hollandeeska ah waxay soo mareen dagaalo iyo dhibaatooyin aad u tara badan wayna ka baxeen oo maanta wadankooda wuu qurux badan yahay. Marka waxaan Ilaahey ka rajeenaynaa in sidaas oo kale aan dhibaatada ka baxno laakiin waxaa loo baahan yahay in qofka oo Somali ah oo ka fekero sidee dhibkan looga bixi karaa. Somalida wadankan way kula firirsan tahay, waxaana muhiim ah in la iskaashado oo la isku xirnaato ayna isu gurmadaan marka ay dhibaato la soo deristo, sidaasi ayaa horumar lagu gaari karaa.” ayuu yiri Cali Waare oo kula taliyey Somalida Holland inay iska daayaan tafaraaruqa iyo kala taga, isagoo gaar ahaan ku booriyey Somalidaa Zwolle inay la shaqeeyaan madaxda ururkooda. “Tan kale Somalida Holland ku nool waxaa lagu qoyaasaa ilaa 30 kun oo qof, waa mujtamac aad u badan, waxaad ogaataan in dadkan aan la joogno laftogooda waa nala socdaan oo intaasi anaga ayey nagu maqan yihiin oo ay nagu mashquulsan yihiin; waxay leeyihiin war dadkan maxay yihiin? xagey bay mujtamaca uga jiraan?

Caruurteena ayey eegayaan anaga ayey na fiirinayaan. Sanad walba warbixin ayey ka qoraan dadka qaxootiga oo anaga aan ku jirno, waxaana arkaysaa mar walba inaan anaga meel hoose uga jirno qiimeynta jaaliyadaha dalkan ku dhaqan sida xaga tacliinta, shaqada iyo daryeelka caruurta. Marka waxaa loo baahan yahay inaan ku baraarugno arrintaasi oo aan is caawino isla markaana saxno meelaha aan ku liidano si aan u hagaajino muuqaalkeena aan ku leeyahay dalkan,” Safiyo Salaad Ibraahim oo madax ka ah ururka haweenka Somalida Holland ee ka dhisan magaalada Alkamaar ayaa iyana ka mid aheyd haweenkii ka qeyb galay xaflada bandhiga dhaqanka Somalida ee Zwolle, waxay goobtaasi ku soo bandhigay dharka ay Somalida u leeyihiin hidaha iyo dhaqanka oo ay uu xirtay hablo yar yar oo ay dhashay.
Cabdinuur oo ah gudoomiyaha ururka Somalida Zwolle ayaa isna goobtaasi ka hadlay, waxa uuna dadkii ka soo qeyb galay xaflada uu uga sheekeeyey dalka Somaliya dhinacyada taariikda, juqoraafiga iyo dhaqaalo ahaan. Wuxuu kaloo sheegay in Somalidu ay leeyihiin hido iyo dhaqan maguuraan ah oo ay uga duwan yihiin umadaha kale. Somalida degan magaalada Zwolle iyo nawaaxigeeda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 600 oo qof sida uu Dalmar Media u sheegay Cabdinuur, gudoomiyaha ururka Somalida Zwolle, waxaana ururkaasi xiriir aad u wanaagsan la leeyahay dowlada hoose ee Zwolle iyo dhamaan hayádaha ajaanibka ee ka dhisan gobolka Overijsel.
Ujeedada xafladan ayuu Cabdinuur ku sheegay inay tahay sidii dadka Hollandeeska loo bari lahaa qiimaha uu leeyahay dhaqanka Somalida iyo in waxyaabaha uu dalka Somaliya uu ku caan ku yahay xaga qeyraadka dabiiciga.
____________________________________________
Mohamed Abdi Farah | Professional Journalist | Utrecht, Nederland | mabdifarah@gmail.com
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login