AMISO ayaa xayiraad ku soo rogtay gawaarida xamuulka qaada ee aada Magaalada Jowha , waxaana xayiraada ay sababtay in Suuqyada Magaaladda Jowhar ee xaruunta gobolka Shabeelaha Dhexe laga dareemo sicir barar ku yimid raashiinka quutul daruuriga , waxaana saameeyn adag ay ku yeelatay dadka dan yarta ah ee ku nool magaaladassi.
Qiimo kororka ku yimid raashiinka quutul daruuriga ayaa saameyn waxa ay ku yeelatay dadka ku nool magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe, iyadoo sababta keentay lagu sheegay sicir barabarka in magaaladaasi maamlihi ugu dnabeeyay aysan gaarin gawaaridi qaadi jirtay cuntada ee aadeysay Magaaladaasi kadib markii ciidamada AMISOM ay isku fidiyay wadada u dhaxeeysa Balcad iyo Jowhar ayna xayireen gawaarida xamuulka ee aadi jirtay Magaaladaasi.
Dadka ku nool magaaladda Jowhar ayaa ka dalbaday in AMISOM ay fasaxdo gawaarida xamuulka , iyagoo sheegay ganacsatada ina ay dadka dan yartaha ay u naxariistaan.
Maamulka Al-Shabaab ee Magaaladda Jowhar ayaa wali ka hadlin qiimo kororka laga dareemayo qiimaha laga iibsado raashiinka noocyadiisa kala duwan , iyadoo dadka dan yarta ah ay ka cabanaayaan sicir barakaan oo ku soo aaday xilli ay soo dhawdahay bisha barakeeysan ee Ramaadaan.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login