W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) - Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisaa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?
Waxuu igu soo tuuray dumaashigay Axmad galaaskiisii uu haayay, waase u ganbiyay/gooyay markii aan arkayba, wuxuuna nasiib darro ku dhacay galaaskii dhalada ahaa oo uu soo tuuray xaaskiisii, oo shirka u soo wadday qof kale oo waddada ka soo dhumay. Xaaskiisa dhacday uma jeedo ee aniga ayuu igu soo orday, waxaa iga qabtay nin kale, oo iga codsaday in aan ka baxo gurigaan inta aan la idilin. Masa bixin ee gabadhii dhiigeeda isku baxay oo ninkeeda calaamada joogtada noqon doonto wajigeeda ugu dhigay ayaan dhiig joojin ku bilaabay, taas oo ah waajib i saran sida qof leh taqasus daawo iyo qaliinba. Gabadhii ayaan horay u sii saaray tagisigii i sugaayay, si aan isbitaalka ugala gaarno oo loo tolo, dhiigana loo joojiyo.
Markaan imid waxaan horay ka aaday qolkii ninkayga lagu qalaayay. Waa socdaa weli qaliinkii, alxamdulilaah, waa dhamaaday qaliinka oo waa ka soo kacay in la dhaho anoo maqan ayaan ka cabsanaayay. Tartiib ayaan qolkii hortiisa u fadhiistay, feker dheerna u galay. Waxaa i soo sawirmay sanad ka hor markii ninkayga igu qasbaayay in aan barto sida la isku difaaco, sida loo rido biskoolad ama qoray. Waxeey aheeyd balan aan ka galay in an fuliyo hadii uu ogolaado in an ku noolaano Muqdhisho. Laakiin markaas ciyaar ayaan u lahaa, oo aan balanta ugu galay maxaayeelay waxaan ogaa in Muqdhisho aysan ku oolin meel lagu sameeyo jimicsi oo dumarka u gooni ah ama lagu siiyo tababar isdifaac dumarka.
Tan kale waa ogyahay in dadka nala yaabi doonaan hadii ay bananka igu arkaan aniguu qoray wato, ama ordaayo si aan u yeesho awood oo jirkayga u xoogeeysto. Nasiib darro waa igu fahmay, oo galab ka mid ah galbaha nolosheena ku leh taariqda qosolka leh ayuu soo xirtay dharkiisii jimicsiga, horayna u soo qaatay biskoolad, oo iga codsaday in aan ku soo labisto dharkayga jimicsiga oo xijaabka aan banaanka ku aado meel soo dhigto.
Tababarka is difaaca shaqsiga gurigeena ayuu ka bilaawday, kadibna asbuuc kasta maalin ayaan aadi jirnay Afgooye, si aan ugu soo ordo beerteena weeyn ee ku taalo halkaas. Waxaan xasuustaa in aan bil kadib orodkayga aad u sareeyay, oo aan neeftuur la’aan iyo murqo xanuun la’an aan ordaayay, biskoolada liishka meesha aan saaro ay si toos ah ugu dhaceeysay, oo aan gafin. Bilihii hore xabadaha ayaan magaalada ka dhameeyay, ninkaygana waa igu qosli jiray, cabsida aan ka qabo markii aan ridaayo in ay qof nool ku dhacdo. Micnahiisa waligay ma fahmin, waxaana ku iri: ” Haa, ma anigaa rabtaa in aan dadka dilo? Ma aqaane waxa aad iigu xireeysid shuruudaas waa ogtahay hadii hortayda aad ku dhimatid xataa ninka ku dilay waa fakanaa ma ahane ma xabadeeynaayi, ha ku riyooyin in aan ani biskoolad isticmaalo ama qof la dagaalo!” Waxuuna igu yiri: ” Macaanto markii aad qabtid nin ku jiro qatar kasta, oo ilmo yaryarna kuu joogaan waa in aad ugu yaraan is difaaci kartid hadii naftaada iyo tan ilmahaaga laguugu yimaado! Ma la noolaan kari in aan ogahay in aad dhiman kartid daqiiqad kasta maxaayeelay ma taqaanid si aad iskaga difaacdid nimanka waxashta ah ee waddankaan heeysta.
Aniga adi lee maa ku daba soconaa, si aan ku ilaalsho? Waa diiday in gurigaan ilaaliyayaal la keeno, qoray ma arki kari dartiis, Muqdisho qoray lee looga noolyahay, ma ogid? Marka waa in aan hubsado in aad ugu yaraan qofkii ku soo wareero iska celin kartid, oo aan la i soo sheegin waa la kufsday! Horta indhaha maad la’adahay masa waa iska dhigtaa?” Hada ayaan fahmay cabsidiisa, nafteena kaliya ma ahan waxuu ka cabsanaa waxa uu sameeyn lahaa hadii dhibka uu ogyahay in qofkasta ee dumar ah ee joogta dalkaan u bandhigantahay oo igu dhaco anigane.
Ninkayga shan iyo toban sanno ka hor maalintii koowaad oo aan is baranay waxaan isku baranay isbitaalkaan, oo ayeeyadiis oo xanuunsan taalay. Waxaana nasiib darro ka mid ahaa kalkaalisayaasha daawooyinka uu aadka u necebaa. Maxaayeelay runta ayaan wadnaha kaga jari jiray, meesha kuwa kale u been guuri jireen, oo rajo aan jirin ugu abuuri jireen. Maalinka aan sida qaaska ah u xasuusto waxeey aheeyd subax oo yimid asigoo kaligiis ah oo aan ku iri: ” Waaw! wiilkii ayeeyadiisa jeclaa waa kanaa. Waa jiiftaa weli ayeeyo maantay, waana ka fiicantahay intii hore, hadana kuuma been sheegi kari oo….!” Waa iga dhexgalay oo yiri: ” Markii koowaad oo aad aqoonsatay in ay ayeeyaday ka fiicantahay intii hore, nasiib alxamdulilaah! Waxaanba kugu nacay rajo la’aanta iyo sida aad ula jeceshahay dadka geerida… in qofka duq yahay micnaheeda ma ahan inuu xaq u leeyahay inuu dhinto fahan taas kalkaalisadaada waalan oo naxariista daran!” Waa isku naxay, ma aaminsaneen in erayada noocaas ah iiga imaan karaan qof u ah qaraabo bukaankayga. Waxaana ku iri: ” Haa waa iga saxantahay, laakiin waxaan u soo taagnaa waxbadan. Waxaana rabaa in aad murugo isku dilin markii aad hubsatid in ay dhimatay, waxaan rabaa in aad si wanaagsan u aqbashid markay nafta ka baxdo, oo aad ku faraxdid in xanuunka haayo Illaaha weeynaha ah ee naxariista badan agtiisa oo ku deeyn doono, oo aadnan u ooyin oo kaliya dantaada ah in aad rabid arageeda iyo in ay madaxa ku salaaxdo oo ay ku sheegto sida aad u tahay baari oo ay kuu jeceshay subax kasta. Waa qof weeyn, waa in loo fasaxo loona sheego in ay dhimaneeyso ayadoo raali looga wada yahay dunida walaal,, ma ahan in ay dhimato ayadoo aaminsan in aadna isku filnaan karina oo aad murugo ka qaadi doontid geerideeda. Maxaayeelay Ilaahii shalay idin siiyay baa maantayna qaadan karo, waana in aad sabartaan sikastaba!”
Waana ka dhaqaayay asigoo ilmahiisa ilmo soo istaageen. Wixii maalinkaan ka danbeeyay ilaa geeridii qaraadeed ee ayeeyadiis asigoo hoos fiirnaaya ayuu i salaami jiray, aad ayuuna iigu xishoon jiray waqtigaas oo aheeyd waqtigii iskugu keen danbeeysay ilaa kulankeenii jaceyl sadax bilood kadib. Markaan soo xasuusto waa isku qoslaa, waxaana la sii yaabaa inuu ninkayga noqday laba sanno kadib. Waxaa fekerkayga qasay aragga aan arkay gabadhii adeegtada aheeyd oo i soo ag fadhiisatay, iiguna celcelisay warkii waalida ahaa oo leh weli: ” Adiga ma fiyoobid miyaa? Ilmahaaga ma dhimanin, waa la qaatay, is jir, is jir, ninkaaga ilaalsho, ilmahaaga ma dhimanin, ma dhimanin Fartuuneey, ma aysan dhimanin.” Waxeeyna ii sheegtay in ay niman handadeen habeenkii ka horeeyay maalinka labada shil ee reerkayga ku dhaceen. Nimankaas oo ka codsadeen in ay guriga ka furto, isna qariso, qofna u sheegin waxba ilaa ay ilmaha magaalada kala baxaan hadii kale ay dilaayaan ayada iyo reerkeedaba. Waxeeyna tiri ayadoo sheekadii sii wadata: ” Cabsi badan ayeey ii gelsheen, dad aan hada ka hor si uun u arkay in ay yihiin ayaan dareemaayaa.
Ma xasuusataa nimankii i dili jiray Fartuun markaan guriga dumaashigaa ka shaqeeyn jiray? Waxaan arkaa in laba ka mid ah ku jiraan, ma rabo in aan dad gooni ah kugu diro, laakiin walaahi qof ayaa shar weeyn idinla rabo, is ilaali…!” Gabadhii dhidid badan ayaa ka baxaaya, indhaheeda aa sii gaduudanayaan, neeftana waa dhibeeysaa oo si xun u gureeysaa, waxaan uun arkay gabadhii oo sii dhaceeysa, oo miirbeeshay…………
_____________________________________
Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji
Emailkaan: samsam_1989@hotmail.com | 06/07/2012| W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login