Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad xagga Maaliyadsa iyo safaradda ku soo rogtay lix qof oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalamaya dalka Soomaaliya.
Adam Szubin waa maamulaha guud hay’adda Maaliyadda Mareykanka waxa uu sheegay in shaqsiyaadkan ay ka masul yihiin dhiigga wali ku daadanaya Soomaaliya.
Wasaarada maaliyadda Mareykanka waxa ay xayiraad Saareysa hantida mareykanka u taala Lixdan qof ama qof kasta ee xiriir ganacsi uu kala dhexeeyo, maadama ay huriyaan dagaaladda Soomaaliya iyo inay taageero hiil iyo hooba ay Siiyaan Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Mareekanka waxa ay shaacisay magacyada lixda nin ee lagu soo rogay xayiraadda xagga maaliyadda, waxaa ka mid ah Colonel Te-wolde Negash, oo ah Sarkaal dhinaca Sirdoonka ah kana tirsan Dowladda Eritrea, oo lagu eedeeyay inuu lacagaha u kala gudbin jiray Ururka Al-shabab, islamarkaana uu kaalin ku lahaa go’aannadii kooxda Xisbul Islam ee markii dambe Al-Shabaab la midoowday Sannadkii 2010-kii.
Negash sidoo kale waxa uu ahaa isku xiraha Dowladda Eritrea iyo Al-Shabaab calaaqaad dhexmaray oo ka dhacay Muqdisho Sannadkii 2006, waxaana uu hub uu siin jiray ilaa 2004-tii sida lagu sheegay Warbixinta wasaaradda Maaliyadda.
Nin kale ee u dhashay dalka Eritrean waa Colenel. Taeme Abdiraham Goitom, waxa uu door weyn ka Ciyaaray Ururkii dib u xoreynta Soomaaliya sidoo waxa uu dagaallo la galay dowladdii federaalka ee dalka.
Sidoo kale liiska waxaa lagu daray Suhayl Salim Abd-el-Rahman, oo u dhashay dalka Sudan, oo la sheegay inuu dhaqaale iyo Tasiilaad Safarba u fidin jiray, dagaalyahannada shisheeye ee doonaya inay galaan Soomaaliya.
Waxaa kaloo Liiska ku jira sadex Muwaadin oo u dhashay dalka Kenya oo kala ah Aboud Rogo Mohammed, Abubaker Shariff Ahmed iyo Cumar Awadh Omar oo iyaguna ku eedeysan inay kaalmo dhaqaale iyo mid sahayba u fidiyeen Al-Shabaab.
Cumar waxa uu ku xiran yahay xabsi ku yaala dalka Uganda kaa oo sugaya Maxkamad, kaddib markii la ogaaday inuu door weyn ka ciyaaray weerarkii lagu qaaday goob laga daawanaayay Ciyaartii kama dambeysta koobka Adduunka magaalada Kampala bishii July 11, 2010.
Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo galaaftay 74-qof.
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Susan Rice ayaa sheegtay in dhammaan lixdan qof ay xiriir toos ah la leeyihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay Qatar ku yihiin nabadda iyo rajada laga qabo xasilooni ka dhalata Gobolka oo dhan.
![]()
|
![]() |
Socialize