Iyadoo weli lagu guda jiro ciyaarihii SomaliWeek-ga 2012 ee kasocday magaalada Toronto ayaa waxaa shalay oo taariikhdu aheyd July 5, 2012 kadhacday ciyaar aad iyo aad u xiisa badan garoonka weyn ee Centennial Park ee kuyaala galbeedka magaalada Toronto.
Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxa ay dhexmartay labada naadi ee Banaadir FC iyo Windsor Stars, ciyaartaas oo aheyd mid aad iyo aad u xiisa badan dadweynihii kasoo qeyb galayna ay aad iyo aad ugu riyaaqeen ciyaar wanaaga labada koox, taas oo laga dareemeyay in ciyaartu ay aheyd mid labada dhinacba ay rabeen inay guusha dhankooda raacdo.
Ugu horeyntii waxaa fursado badan kabid uu suurta gashay kooxdii ku ciyaareysay maga Windsor Stars ay heleen gool aad iyo aad u quruxbadan, taasoo ciyaartii ka dhigtay 1 iyo 0.

Kooxda Banaadir FC oo aheyd koox ku ciyaareysay khibrad iyo ciyaar wanaag ayaad waxaad mooday in ay arkeen in kooxda Windsor Stars aysan aheyd mid ciyaar ciyaar qaadaneyso. Weerar iyo weer celis kadib waxaa mar kale u suurta gasha kooxda Windsor Stars inay mark kale helaan fursad ay ku dhaliyeen gool-kii labaad ciyaartiina noqotay 2 – 0 .
Kooxdii Banaadir FC oo aad moodo in talo farohoodii kabixi rabo ayaa waxaa ay heleen fursad qaali ah oo garsoorihii ciyaarta uu u dhigay RIGOORE kadib markii ciyaar yahan ka mid ah kooxda Windsor Stars gacanta kaga dhacaday banoonigii. Banaadir FC oo lagu yaqaanay ciyaar wanaag ayaa waxaa nasiib daro dhacday in ay lumiyeen fursadii qaaliga aheyd ee ay ku heli lahaayeen gool kadib markii gool hayaha Windsor Stars uu gacanta ku helay kubadii.

Ciyaartii ayaa waxa ay ku dhamaatay barbar dhac qeybtii hore.
Kadib markii lagu soo laabta qeybtii labaad ee ciyaarta ayaad waxaad moodaa in kooxdii Banaadir FC ay lasoo bexeen dardar iyo weeraro aan hore loogu arag qeybti hore ee ciyaarta, tababare Faaris iyo Gudoomiye Nuuraaye ayaad waxaad moodaa in canaan iyo talo ay soo siiyeen kooxda Banaadir FC inay jawaabtoodii noqotay inay heleen gool cajiib ah taasoo dareen dheer iyo welwel ku abuurtay kooxdii Windsor Stars.
Dadweynihii ciyaarta daawanaayay ayaa waxaad kadareemeysaa inay ciyaartii is bedel weyn laga dareemay, garsoorihii iyo calan wadayaashii ciyaartana ay bilaabeen feejignaan dheeraad ah si ay u dejiyaan ciyaarta, waxaa bilaabatay inay ciyaartow badan oo labada dhinac ahba ay siiyaan xaashiyada JAALAHA si loo dejiyo ciyaarta.

Daqiiqadii 85-aad, kooxdii Banaadir FC weeraro iyo difaac adag kadib waxay ay heleen fursad kale oo ay ciyaartii barbardhac kaga dhigaan. Taageerayashii iyo Maamulka kooxda Windsor Stars ayaa arkay in xaalku xumaaday, ciyaartowdiina laga dareemayay daal iyo welwel – kadibna GARSOORIHII YEERIYAY FIRIMBIGII AY CIYAARTU KU DHAMAATAY.
Waqtiga oo yar iyo ciyaaro kale oo kadhici lahaa garoonka ayaa waxaa ciyaartii laga dhiga inay RIGOORE RIGOORE ku kala baxaan labada kooxood.
Nasiib daro kooxdii Windsor Stars oo ciyaarta qeybteedi hore ku hogaamineysay 2 – 0 ayaa waxaa looga adkaaday 5 Rigoore ay Banaadir Dhalisay iyo 4 Rigoore ay Windsor Stars dhalisay.

Ciyaar wanaag ay muujiyeen labada dhinac ayaa waxaa laga dareemayay garoonka in taageerayaashii labada dhinacba ay ku qanacsanaayeen FARSAMADA iyo CIYAAR wanaaga ay muujiyeen labada koox.




















![]() |
You must be logged in to post a comment Login