Qarax culus ayaa wuxuu maanta uu ruxay duleedka Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, mana jirto Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, oo amuurtaan ka hadlay.
Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Ceel-gaal oo qiyaastii ilaa 10km u jirta Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, waxaana la-sheegay inay ku dhinteen laba ruux, oo mid ka mid ah ay tahay qof dumar ah.
Qaraxaan ayaa waxaa la-sheegay in uu ka dhashay bir ku dhex jirtay Maar, oo uu gargaaracay nin dhalinyaro ah, hase ahaatee waxaa markaliya goobtaasi gil gilay qarax aad u xoogan.
Sawaxanka qaraxa ayaa waxaa iskugu soo baxay dadweyne fara-badan oo ku sugnaa Deegaanka Ceel-gaal, iyadoo dhinaca kalana ay ku soo leexdeen dad socoto ahaa oo qaarkood u socday gudaha Magaalada Baladweyne, kuwaa oo gawaari watay.
Waxaa goobtaasi laga qaaday meydka ninkii dhalinyarada iyo qof dumar ah oo goobtaasi mareysay, markii uu qaraxu dhacaayay, isla-markaana waxaa lagu wadaa in goor dhaw loo-sameeyo aas.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aadan qaraxa khasaaraha geystay ee maanta ka dhacay Deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login