Ciidamada DKMGS oo dhaqdhaqaaq ka wada gobolada
Wararka laga helayo deegaanka Golaleey oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan oo ku aadan deeganada kale ee shabaab kaga sugan yihiin Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ee dowladda Soomaaliya Daa’uud xaaji Ciiro ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku wajahan yihiin degmooyinka kala ah Warsheekh, Aadan Yabaal iyo Mahadaay oo dhamaan ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe isaga oo intaa raaciyay hadalkiisa inay tagayaan dhamaan deeganadaasi.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay ka dhaqaaqeen deegaanka Golaleey iminkana ay ku sugan yihiin Deegaanka Qalimoow wuxuuna tilmaamay inay sii socon doonaan ilaa ay ka tagayaan Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ay howlgal wadajir ah ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay kusoo qab qabteen dad lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Ururka AL-Shabaab.
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
Ayaanle
on July 7, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
You must be logged in to post a comment Login