Ciidamada Ethiopia ee Kusugan Magaalada B/weyn Ee Gobolka Hiraan ayaa lagu soo waramaya in ay u ruuqan sadeen Degaano ka baxsan Magaaladaasi.
Dhaq dhaqaaqyo xoogan ayaa si aad ah looga dareemayaa xerooyinka ciidamada Ehtiopia ay ku leeyihiin magaalada baladweyne ee Gobolka Hiiraan ,iyago qabtay wadad dhanka koofureed ugu baxda magaalada Beledweyne.
Ciidamadaan ayaa la sheegaya in ay aadeena wadaa aada degmada Buulaburde ee Gobalkaasi , waxaana laga dareemaya degmadaasi dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Al-Shabaab oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan werarkaas ku soo wajahan.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya degmadaasi, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qabo in ay labada dhinac isku fara saaraan magaaladaasi , waxaana la ogeen Al-Shabaab in ay iska caabin doonaan ama ay iskiiga bixi doonaan magaaladaasi.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login