Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay dareen xoog leh ay ka muujiyeen ciidamo fara-badan oo Xarakada Al Shabaab taabacsan, oo guddaha u soo galay Magaalada Kismaayo.
Ciidamadda Magaalada Kismaayo soo galay ee Xarakada Al Shabaab ka tirsan ayaa waxaa la-sheegay inay dhamaantood yihiin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee Amniyaadka, gaar ahaan kuwa loo-yaqaano Madax Jabiska.
Ciidamadaan ayaa waxay Magaalada Kismaayo ay ku wataan gawaari mad madow oo cusub, waxayna isugu socdaalayaan gees ka gees Magaalada Kismaayo, isla-markaana Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemay xoogga ciidamadaan.
Muuqaal ahaan Magaalada Kismaayo ayaa waxaad mooddaa inuu isku bedelay nooc kale, kadib markii ay soo galeen rag fara-badan oo aan la-aqoon waxa ay damacsan yihiin, waxayna shacabka ka muujiyeen walaac xoogan.
Ciidamadaan ayaa waxaa la-sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la-sheegay inay kaga soo talaabeen Magaalada Kismaayo, oo ay Dowladda Kenya sheegtay inay qabsan doonto.
Magaalada Kismaayo oo ah meesha ugu muhiimsan ee xilligaan ku hartay gacanta Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay Al Shabaab sheegtay inaysan dhici doonin in laga qabsado sida ay sheegtay Magaalada Kismaayo.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize