Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada ayaa ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole mid uu awood uusan laheyn isku badayo, isuna heysta nin ka go’da talada Soomaaliya, isagoo madaxda dowladda ugu baaqay inay si deg deg ah uga jawaabaan hadalada ka soo yeeraya Hogaamiyahaas.
C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Faroole awood aysan laheyn shanta kale ee saxiixayaasha uu is baday, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in hadal kasta oo ka soo yeera uu mugdi geliyo siyaasada Soomaaliya.
“Waxaa u maleynayaa inuu ku wareeray Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliya, runtii awood uusan laheyn ayuu la soo baxay, shanta kale ee Saxiixayaasha aanay laheyn, maxaa yeelay hadaladan maalayacniga waxay u baahan tahay inuu ka fiirsado, xataa waxaa dhihi karaa, Maskaxiyan ma ma fiyoobo”ayuu yiri Siyaasigan.
”Soomaaliya Puntland ma ahane, ee Puntland ayaa Soomaaliya ka mid ah, aniga hada qabiil uma dan lihi, laakiin labo gobol hadii uu xukumo ma ahan inuu isu heysto nin siyaasada Soomaaliya geed fadhi u yahay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa si kulul u cambaareeyay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, kaasoo uu ku sheegay in shirarka ka socda Muqdisho ee Odayaasha inay yihiin kuwo siyaasadeysan oo ka baxsan Road Map-ka.
Madaxweynaha Puntland Faroole ayaa hadalada si aan ka fiirsi laheyn uga hadla, iyadoo dhowr jeer hadalo layaab leh uu saxaafada ka jeediyay, kaasoo dadka qaar ku macneeyeen mid bogo bogsaday ku damqinayo, waxaana hadalada lala yaabay ka mid ahaa shirkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Somaliland ku yeesheen Dubai oo uu xusay in aan isaga lala tashan.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
c/llahi waxaa ceeb ah in la aflagaadeeyo madaxwayne dowladeed.
isbahaysiga nabada kulahaa waxaa tahay dabshid magac bug ah wata .
faroole kuma yaqaano isku darajana ma tihiin shacabkana ha isbarin in aad tahay nin kaabo qabiil ah oo wata tabele falso ah isbahaysiga nabada run haddii ay sheegaysid ka tarjun nabada .
Saaxiib Cabdulaahi, waxaad moodaa adna in aadan wax badan dhaamin madaxweyne Faroole. Waayo mar alla markuu afka kala qaado, adna madaxaad la cidaa? Mida kale, sheekh Shariif, Shariif Sakiin iyo Gaas oo dowlada ka tirsan midkood aan hadlin baad adiga ka daba qaylisaa, taas ka waran hee?
Faroole maanul ayuu ka taliyaa iyo dhul, adiguse Moqdisho ma heysatid, dhul kale ma heysatid, maxaad kaa qaylasiinaya, ba is weydii? Hiil-Qaran iyo xisbiyo kale ayaa Xamar jooga, weli hada lagama maqal ku saabsan madaxweyne Faroole, adiga maxaa ku gubaya, oo gaar kuu ah?
Haddee ogow qof waalan markuu qayliyo ama hadlo, qofka ka sii waalan baa ka daba ciya ama ka daba qayliya. Bal orod oo tag Maana-koobiya