Waa maanso kooban, oo ka faallonaysa xaaladda wadanku marayo, jalleeco sooyaalna aan ka marnayn, male iyo mutuhis ka dheer, waa xog iyo xaajo warran, tagtada tilmaamaysa, timaadadana ka digaysa, si aan loo marin hilin hore loogu hungoobay, kama marna hubsiimo, “Sahaydaadu waa dib, safarkaaguna waa hore” sidaa awgeed, waa ma hurto in qof walba intii awooddiisa ka hadlo, kana gaysto ayaaha umadda, ugu dambayn, aan idiin kala boxo idinka iyo maansada:
Maansada: Shurugdiid
10.Shishe iyo dul uga digo
11.Waydiimo shaaciyo
12.Shaacirkana su’aal faro
13.Shanta magaca guudiyo
14.Shacabkeena Soomaal
15.Isku soo shamuumoo
16.Bal shifaysta erayada
17.Maansadan Shardiidkaa.
18.Ninka sharraxanoow, joog
19.Shabshablaha socdoow, joog
20.Sheekh Camaamadlow, joog
21.Oday Shaarubloow, joog
22.Shayb madax cadoow, joog
23.Shaqaaqada wadow, joog
24.Shibbanaha xarafaha iyo
25.Shaqallada dhigoow, joog
26.Shafka ha u garaacine
27.Shurug yuu ku raacine
28.How Shareera tumanine
29.Shirbaa Laashinoow, joog
30.Shiinleey tirshoow joog
31.Shiidaal sanoow, joog.
32.Ha shigshigin hadhoow, joog
33.Shoog yuu ku helin, joog
34.Shaxdu waa qabyee, joog
35.Wali lama shaqshaqine, joog
36.Dabbaa wali shidane, joog
37.Sheekaa dhimmane, joog
38.Shawr baa harsane, joog
39.Shirarbaa socdee, joog.
40.Waxaan sheekada u xiray
41.Uga sheelay qodobbada
42.Shacab daallan baa jira
43.Shukaansiyo xodxodashiyo
44.Shufto iyo dullaal iyo
45.Sheex laawe beentiyo
46.Sharta kala hagaayoo
47.Isku shubo awoodaha
48.Kala sheela cududdoo
49.Shisheeyaha kalkaaloo
50.Shifo aanan keenayn
51.Sheekadooda doonayn.
52.Ma sheexoow adeer joog
53.Ha shigshigin hadhoow, joog
54.Shoog yuu ku helin, joog
55.Shaxdu waa qabyee, joog
56.Wali lama shaqshaqine, joog
57.Dabbaa wali shidane, joog
58.Sheekaa dhimmane, joog
59.Shawr baa harsane, joog
60.Shirarbaa socdee, joog.
61.Sharcigiyo Dastuurkii
62.Waa layska sheed maray
63.Ninba sheekaduu rabo
64.Ayuu shaar u geliyoo
65.Ku shaaximay awooddiis
66.Danihii shaqsiyadeed
67.Shilimaad ku dhiibaa!
68.Shalay kii la doortiyo
69.Kii ka sii shisheeyiyo
70.Midka sheedda joogaba
71.Shansho qaawan mooyee
72.Arag shibiqa mooyee
73.Feker sheelan mooyee
74.Garaad shuusha mooye
75.Oogo Shalala mooyee
76.Xoolo shabiya mooyee
77.Sahan shabaqa mooyee
78.Shamaag jeexan mooyee
79.Shawr kale ma haayaan!
80.Shiraystaha dadkoow, joog
81.Shacab laayahoow, joog
82.Ha shigshigin hadhoow, joog
83.Shoog yuu ku helin, joog
84.Shaxdu waa qabyee, joog
85.Wali lama shaqshaqine, joog
86.Dabbaa wali shidane, joog
87.Sheekaa dhimmane, joog
88.Shawr baa harsane, joog
89.Shirarbaa socdee, joog.
90.Iyadoo shakaalnayd
91.Shanshadu jabnaydoo
92.Lafaheedii shiilmeen
93.Shax kalaa dig soo tiri
94.Federal shirqool iyo
95.Shacabkoo la oodoo
96.Shabag lagu wareejiyo
97.Shanta shalay ahayniyo
98.Magaceenii sheegnaa
99.Sharafta iyo qarankii
Dhammaad.
Bashiir M. Hersi | bdiraac@hotmail.com
______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize