Mogadishu (QOL) - Magaalada Muqdisho oo Labaatan Sano oo lasoo dhaafay ku jirtay Xaalad dagaal iyo kala carar sababay in dadkii magaaladu ay intooda badan ka tagaan guryahooda una dhaqaaqaan Qurbaha si ay nolol u helaan ayaa haatan waxay u muuqanaysaa mid soo kabsanaysa oo noloshii dadku ay caadi noqonayso.
Ururka Alshabab oo Saddexdii Sano ee u dambeeyay xoog wayn ku lahaa magaalada Muqdisho iyo Koofurta dalka ayaa markii Bishii August ee Sanadkii hore ay magaalada ka baxeen waxay taas keentay inay dowladda KMG ee Soomaaliya awood u hesho isku ballaaraanti guud ahaan Caasimadda, taasi ooa ahayd guul wayn oo dowladdu illaa markii Jabuuti lagusoo dhisay 2009-ka ay gaaritaankeedu ku adkeyd.
Shacabkii ku dhaqnaa Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa mar kale soo baraarugay, rajadii nolosha ee ay ka maqnaydna waa ay usoo laabatay iyadoo waliba sidii hore ka sareysa oo markan ay arkayaan isbedello aan dadka magaalada ku nool ee isugu jiray kuwii Burburka ka hor noolaa iyo kuwa Da’doodu ay kasoo billaabanayso burburkii Sagaashameeyadiiba waqti dheerba ku arag magaalada.
Dhismooyin ayaa billowday oo isugu jira kuwo cusub iyo Dayactirka guryihii Caanka ahaa ee dagaaladu ay baabi’iyeen.
Waxaa sii dheer dadka Muqdisho gaar ahaanna Dhalinyarada oo intii ay noolaayeen aan magaaladooda ku dhex arag qof Ajnabi ah ayaa waxay haatan la qabsadeen aragtida dadka shisheeyaha ah gaar ahaanna kuwa uu Maqaarkoodu Cadaanka yahay. Taasi oo burburisay dareenka la yaabka leh ee ay dhalinyarada iyo Soomaalida Muqdisho joogataba ka qabi jireen dadka shisheeyaha ah oo mar mar dhif dhif ah dalka soo gaari jiray iyagoo waliba la ilaalinayo oo Kooxo hubeysan ay la socdaan.
Hadda wadooyinka Muqdisho ayeey si caadi ah u socdaan Shisheeyaha Maqaarka Cad iyo kuwa Maqaarka Madooba oo ay dhinac socdaan Soomaalida. Waxaadna malaynaysaa meesha aad joogto inaanayba Muqdisho ahayn sida ay dadku isku dhex galeen.
Tani waxay meesha ka saartay cabsidii ay Soomaalida kuwooda Qurbaha u baxay ka qabi jireen dalkooda ee ahayd inaanay nololi jirin oo hadii ay yimaadaan Hilibkooda la cunayo. Waxaana ay kalsooni ku heleen Soomaalida sida Shisheeyaha gaar ahaanna dadka Turkiyiinta ahi ugu dhex mushaaxayaan Wadoyinka Muqdisho iyagoo lugaynaya oo aan Gaari wadan.
Markaa ka dib baa waxaa iyana dhinaceeda ka billowday qulqulka ay dadka Soomaaliyeed ee Dibadda waqtiga dheer jiray kusoo qulqulayaan Muqdisho. Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo isaga qudhiisa Dayactirka magaalada ka billowday dhinaciisa ka helay aadna loo qurxiyay ayaa maalin kasta buux dhaaf ah oo wax soo daganaya iyo wax sii dhoofaya ay isku dhinac qaadayaan.
Wiil ka mid ah Shaqaalaha Garoonka ayaa ii sheegay in maalintii ay ugu yartahay Boqolaal qof ay dhoofaan intaas ka badanina soo dagaan.
Aqristow ma malaysan karaysaa Garoonkan oo Labaatan Sano ee lasoo dhaafay waqti badan oo ka mid ah albaabadiisu xirnaayeen Geela iyo Xoola kale ee la dhaqdana Daaq kasoo raadin jireen markii ay Dhirtu ku baxday waqti yar oo kasoo billowdo markii dib loo furay 2006-dii illaa haatanna ahaa meel maalintii Hal Diyaarad oo waliba dhowr qof xambaarsan un ay kusoo dagi jirtay inuu haatan sidaas u buux dhaafiyay Shaqaalaha iyo dadka soo daganayana ay aad u badanyihiin?.
Meelaha aadka la isugu tago waxaa ku jira amaba ugu horeeyo Xeebta Liido. Halkaas oo Warbaahinta Soomaalidu illaa markii Sanadkan horaantiisii Muqdisho si buuxda loogusoo laabtay ay wararkooda si joogto ah ugusoo dari jireen oo barnaamijyo kala duwan ugasoo diyaarinayeen sida Liido ay tahay iyo sida loogusoo damaashaad tago maalmaha kala duwan haba ugu badnaadeene Jimcaha.
Shabakadda Qaranimo Online oo warbaahintaas qayb ka ahayd ayaa inkasta oo wax badan oo Tebin ah aanay siinin Wararka Liido waxay imnika fursad fariid ah oo aan nooceeda la arag u heshay inay tagto Xeebtaasi. Waliba Jimcihii lasoo dhaafay iyadoo Roobku uu aad u da’ayo jawiguna aad u macaan badanyahay.
Cd Sawirro qaadanaysa ama Xeebta iyo muuqaalkeeda wax ka diyaarinaysa ma aanay joogin halkaas hadii ay joogeenne waxay iskusoo aadinayeen waqtiga uu Roobku dhamaado. Waayo Roobka Samada kasoo hoorayo iyo Hirarka gadgadoomayo ee Badda oo marka uu Roobku da’o aad usii kacayso ayaa waxay khatar galinayeen Qalabka wax lagu duubo ee Saxaafaddu ay isticmaasho ama xitaa dadka caadiga ah ee halkaas Sawirrada xusuusta leh isaga qaadayo.
Waxaan u bareernay inaan Jawigaas macaanta badan iyo Liido sida ay tahay wax kasoo tabino oo Sawirro kasoo qaadno si kasta oo Roobku uu khatar u galinayo Qalabkeena. Dadkuna aad bay noola yaabayeen oo qaarkood baa lahaa war Qalabkiinana ma kuwii Roobabka iyo Biyaha loogu tala galay ee aanay Biyuhu waxba ka dhibaynin baa?.
Si kataba ha ahaate wax badan oo laga sheegayo ma jirto Liido. Oo waa sida ay Asxaabta Wararka tabiya illaaa waqtiyadii dambe uga soo waramayeen oo qaarkoodna Maqaallo dhaadheer oo macaan bada ugasoo diyaarinayeen. Balse Qaranimo Online waxay Aqristayaasheeda la wadaagaysaa Sawirro muujinaya Liido gaar ahaanna Waqtigii Roobku uu da’ayay ee Jimcihii lasoo dhaafay oo Badduna dadku ay aad ugu raaxaysanayeen.
Dadka Soomaaliyeed waxay haatan dareemayaan farxad, waxayna leeyihiin rajo aan waqti dheer soo marin. Sidaas darteed ayeey Illahay uga baryayaan inuu rajadan jirto usii xoojiyo Nabad iyo Kala-dambaynna kusoo celiyo dalkooda waqtiga dheer burburka iyo colaaduhu ay daashadeen.
Sawirradii Liido waa kuwanaa ee ka boggasho wacan. Waxaanan soo gudbin doonnaa Sawirro iyo warbixinno kale oo Liido iyo goobaha kale ee Dib u dhiska iyo Nolosha cusub ay ka jirto waqtigan oo Muqdisho ka tirsan ama xitaa deegaanada kale ee Nabaddu ay kusii fideyso ee dalka ka tirsan.
Mohamed Abdullahi Dhaaley | Qaranimo Online | Mogadishu-Somalia | Mohammed_dhaley@hotmail.com
_____________________________________________________________
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
_____________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
WOOOOOOOOW cambe fresh ah – shaahii macaa ee cusbada yar lagu darsan jiray BARWAAQO aa taalo meesha…..
Walaalkeey Dhaaleey Soo dhawoow QARANIMO ONLINE wixii aan kaaga baranay ayaan weli kaa sugeynaa maqaalo iyo qoraalo niyada noo dhisa.
Maxaa ku dhacay degmooyinkii, markii kuugu danbeeysay amaanxumo ayaa laga sheegayay degmooyinka qaar kood hadase sidana aragno amaankii waa soo roonaaday… degmadeydii ayaa weli kuudhinam ‘HODON CADEEY’ Reer kaasa babolaare…
Mahadsanid sawirada quruxda badan, adigaaba naga nasiib badan sida aad ugu raaxeysaneyso wadankaada qurbahaan QABOWGA iyo STRESSKA badan ayaan kajoognaa meeshaas cambaha freska ah lacunaayo ALOOW idiin saa’idi.
Great JOB Mr Dhaaleey and Welcome back. wa aloo bahan yahay inaan aragno sida loogu damaashaadi karo xeebteenii liido – MAASHAA ALAAH.