Dhaqdhaqaaqyo dagaal oo laga daremaayo inta u dhaxeyso Qansaxdheere iyo Buur dhuubo

Ciidamada dowlada iyo kuwa ethopia ee dhawaan la wareegay degmada qansaxdheere ayaa waxaa la sheegayaa ineey u ruqaanadeen dhanka magaalada buurdhuurbo taas oo kamida magaalooyinka faraku tiriska ah ee ka tirsan gobolka gedo ee ay wali aay maamukaan xarakada alshabaab .

Dhaqdhaqaaqyadaan iyo golufka colaadeed ee laga dareemayo haalkaas ayaa waxeey saameen ku yeesheen dadka deegaanka kuwaas oo ka cabsi qaba in lagu duldagaalamo . saraakiil la hadashay warbaahinta gudaha ayaa waxeey sheegeen in aay wadaan howl galo  ay ku doonayaa in xarakada al shabaab  kaga sifeeyaan golobolada Baay Bakool iyo Gedo kuwaas oo gogol xaar u ah xureenta magaalada Kismaayo ee xarunta jubada hoose.

Dhanka kale ciidmo farabadan ku was oo lagu soo tababaray dooloow  ayaa iyana aabaabul ciidan ka wada halkaas ,sida aay sheegayaan wararka ka imaanaya hakaas ciidamadaan ayaa lagu biirin doona ciidamada ka dagalamo gobolada Gedo iyo jubooyinka si awododa ciidan aay isugu geeyaan la wareegida magaalada muhiimka ah ee Kismaayo .

Ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa dalalka dariska ayaa dagaalo dhowra kula galay goboladaas ciidamada alshabaab iyagoo kusoo qaado dagaalo kudhufo oo ka dhaqaaq ah iyo waliba qaabka dhabagalka ah kaas oo laf dhuun gashay ku noqday ciidama huwanta ee is kaashanaya balse la arki done guulaha laga soo hooyo howlgaladaan hada socdo.

by Joker | salaanyare18@hotmail.com

________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login