Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia ayaa u dhaqaaqay deegaana ka tirsan gobalka Bay , waxaana ciidmadaan oo aad u fara badan oo ku hubeeysan taangiyada gaashaaman ay u dhaqaaqeen degmada Qansaxdheere ee gobalka Bay.
Ciidamadaan ayaa laba jiho uga kala dhaqaaqay degmada Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobalka Gedo, waxaana qaar kamid ah ciidamadaan ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Qansaxdheere ee gobalka Bay.
Saraakiisha dowladda KMG ayaa waxay u sheegeen in ay duulaan ku yihiin ciidamada Al-shabaab ee ku sugan Baardheere iyo Buurdhuubo.
Shacabka ku dhaqna deegaanadaasi ayaa iyana waxay inoo sheegeen inay ka cabsanaayaan dagaalo dushooda ka qarxo, waxaana Al-shabaab dhankooda ay wadaan diyaargaroow xoogan.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login