Mahiga oo warqad u direy qurbojoogta Soomaaliyeed

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ah xaalada dalka Soomaaliya isagoo rajo weyn ka muujiyey in xilligii loogu talogalay in loogaga baxo kumeelgaarnimada uu dhaqangalo.

Mahiga ayaa waxa uu warqad u diray qurba joogta Soomaalida isagoo sheegay in Soomaaliya ay wax badan iska bedeleen muddooyinkii la soo dhaafay, wuxuu sheegay Mahiga in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isla markaana ay qarka u saaran yihiin qabsashada magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo ah magaalo ay ku xoggan yihiin ururka Al-Shabaab.

Danjire Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in ka hor 20 August ay dowladda dhaqan galin doonto wax-yaabaha u dhiman oo ay ka mid tahay in la ansixiyo dastuurka Soomaaliya, oo uu sheegay in lagala kaashaday quburo ka socda wadamada Islaamka sida Bangaladesh iyo Afghanistan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in in shirar badan loo qabtay Soomaalida oo uu ka mid yahay midkii ugu dambeeyay bishii June ka dhacay magaalada Nairobi, iyo kuwa kale o ka dhacay magaalooyinka London, Istanbul, Addis Ababa, Nairobi iyo Rome, kuwaas oo ahaa ayuu yiri kuwa fariimo loogu diraayay beesha caalamka si ay gacan uga geestasan xaaladda Soomaaliya,

Wuxuu sheegay in shirka ugu dambeeyo uu dhici doonoo bartamaha bishan kaa oo noqon doona midkii lagu ansixin lahaa dastuurka dalka.
Rajada uu ka muujiyey Mahiga ayaa soo afjarida xilliga kumeelgaarnimada ayaa ku soo beegantay xilli ay la iclaamiyey in la xiro doono qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho mudada ay socoto kulanka lagu ansixinayo dastuurka Soomaaliyeed.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.