Mark Bowdan oo booqday Garoowe

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaayo wakiilka Qaramada dhanka Bini’aadamnimada u qaabilsan Soomaliya Mark Bowden ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Mark Bowdan iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Intaasi kadib ayaa waxaa loo gudbiyey xarunta Madaxtooyada waxayna halkaasi kulan kula qaateen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Gen C/samad Cali Shire iyo C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Kulanka ay wada qaateen labada dhinac waxa uu ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin xog dheeraad ahna lagama helin arrimaha ay ka wada hadleen.

Markii ay soo dhamaadeen kulamada ayaa waxaa saxafadda la hadlay Mark Bowdan oo hoggaaminayay wafdiga ka socda Qaramada iyo Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole waxayna sheegeen inay isku afgarteen dhamaan waxyaabahii ay ka wada hadleen.

Qodobada ugu waa weyn ee ay ka wada hadleen labada dhinac ayaa waxaa kamid ahaa sidii gargaar loo gaarsiin lahaa barakacayaasha iyo dadka dhibaataysan iyo qodobo kale.

Mark Bowdan iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa maalintii shalay waxay booqdeen Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguduud iyadoo maantana ay tageen magaalada Garoowe.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.