Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen, C/kariin Dhega-badan ayaa ka hadlay amni darada ka jirto degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, isagoo ku baaqay in lagu toogto qofkii wax dila goobtii uu wax ku dilay sida uu yiri.
Isagoo ka hadlayay kulan shalay ka dhacay Hotel Lafweyn oo looga hadlayay ammaanka magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa uu sheegay in aan cidna loo aaba-yeeleyn.
“Qofkii wax dila ha lagu dilo meeshii wax ku dilay, haduu askari yahay, hadii qof tuug yahay, ama qof caadi ah, cidna yaan loo aabayeelin”ayuu yiri Jen. Dhega-badan.
Mar uu ka hadlay xaaladaha amni daro ayuu sheegay in shaqsiyaad aan looga heebeysaneyn, isla markaana aan loo fiirineyn heyb ahaan, isagoo ugu baaqay waxgaradka in marka hore ay la hadlaan wiilkooda, si hadhow marka dhibaato gaarto aanu u calaalin.
“Marka hore ma ceshanayo wiilkiisa, marka dambi lagu qabto ama la dilo ama la xiro, ayuu ku leeyahay hada ayaa salaad isla dukanay, waxaas ma soconayo, in qabiil iyo reer hebel waa laga soo gudbay”ayuu yiri Jen. Dhega-badan.
Inkastoo aan horay u dhicin in qofkii qof dila in la qabto ama isla goobta lagu dilo, hadana waxaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho dilal qorsheysan oo kooxihii ka dambeeya aan la qaban, marka ay dilka geystaan goobta ka baxsada.
Hey’adaha ammaanka ayaa si wada jir ah u sheegay inay soo gaartay kiisas la xiriira amni daro ka jirta degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, iyagoo balan qaaday in Ciidamo gaar ah oo suga ammaanka iyo Taliyeyaasha Ciidamada ay ku wargelin doonaan in si deg deg ah wax uga qabtaan amaan darada.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize