Gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan Kaaribta oo horay kooxo hubaysan ay u dhaceen ayaa Hay’ada Nabadda Sugidda maanta waxa ay kusoo bandhigtay Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir howlgal ay sameeyeen ugu suura gashay in burcada iyo baabuurka ay dhaceenba lasoo qabtay islamarkaana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.
C/laahi Sheekh Xuseen Bushkileeti Milkiilaha iska leh gaariga lasoo bandhigay ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaabkii looga dhacay gaariga isaga oo tilmaamay in xilli uu ku sugnaa agagaarka iskuulka Maxamuud Xarbi ee Degmada Wartanabadda ay rag hubaysan ka qaateen gaarigiisa waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dib loogu soo celiyo gaarigiisa .
Khaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada Nabadsugidda Gobalka Banaadir ayaa sheegay in cid kasta oo ku kacda falalka noocaan oo kale ah ee lagu dhibaateynaya inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo kaga timaada Hay,adda Nabadsugidda.
Waa markii ugu horeysay oo Hay’adda Nabadsugidda ay soo bandhigto rag iyo sidoo kale gaari ay sheegeen inay dhaceen ragaasi balse dhaca gaadiidka ayaan ku cusbeen magaalada Muqdisho.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login