Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah Ugaaska Beesha Cayr ayaa taageeray musharaxa C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u taagan doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee bisha Agosto, iyadoo munaasabad ka dhacday degmada Guriceel Hoyga uu ka degan yahay Ugaaska ay ka qeyb galeen odayaal, waxgaradka, haween iyo qeybaha bulshada Galgaduud.
Munaasabadan oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka deegaanka oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Jaamac Bootaan Diini, Nabdoon Cartan Sheekh Doon, Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Beesha Cayr Xaashi Maxamed Kulane, (Xaashi Dhigir, Nabadoon Maxamuud C/lle Warsame Rogomeey, Nabadoon Jaamac Cujubeey, Nabadoon Warsame Sabriye Cilmi (Kharafaan), Nabadoon Ciise Maxamad Lugeey, Nabdoon Cali Maxamad Wardheere (Cali Dheeh), Nabadoon Maxamad Cumar Warsame, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo xubno metelaya Ahlu Suana Waljamaaca.
Ugaas Xasan oo Munaasabadda furay ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Avv C/raxmaan C/shakuur uuna yahay nin aqoon, karti iyo waxqabda leh, isagoo ka wakiil ah deegaanka iyo dadkiisa ay Musharaxa la garab joogaan taageero buuxda oo hill iyo hooba leh.
Nabadoon Cartan Sheekh Doon ayaa isagu dhiniciisa soo dhoweeyey Musharaxa Avv C/raxmaan C/shakuur isagoo sheegay in Musharaxu uu guulaysan doono maadaama dadkiisa iyo deegaankiisaba ay taageersan yihiin, tanina ay tahay bilaw fiican oo rajo iyo yidiidlo leh.
Nabadoon Jaamac Cujubeey ayaa ku dheeraaday taaariikhda Musharaxa isagoo sheegay in markii ugu danbaysay ee kulmaan ay ahayd xili uu musharaxu deegaanka ka hirgeliyey mashaariic, caafiimaad, ceel qodis iyo gargaar bani’aadanimo. Nabadoonka ayaa sheegay in Musharaxu uu kasoo jeedo dad taariikh ku leh deegaankan iyo dadkiisa, isagoo sheegay in ay guul u rajaynayaan.
Nabadoon Jaamac Bootaan oo munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaalada adag ee maanta Soomaaliya marayso, isagoo sheegay in Musharaxa Avv C/raxmaan C/shakuur uu yahay nin cod kar ah, si wayn uga soo muuqday fagaaraaha siyaasadeed ee Soomaliya, magac iyo maamuusna u soo jiiday.
“ Aniga waxaa igu filan in C/raxmaan uu yahay ninkii isagoo Soomaaliya metelaya uu Jaamacada Carabta hogaanka u qabtay, waa arrinka Soomaalida iyo deegaankaba ay ku faanaan”ayuu yiri nabadoonka.
Nabadoon Rogomeey ayaa isagu sheegay inkastoo Musharaxu uu ka soo jeedo deegankan, hadana uu ku dhashay gobolka Hiiraan gobolkaasoo ah mid ay hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ka soo baxaan. Nabadoonka ayaa tilmaamay taariikhda musharaxa iyo xiriirka uu deeganka la leeyahay isagoo guul u rajeeyey.
Munaasabadan oo tii ugu horaysan oo nooceeda ah oo lagu qabto gobolka Galgaduud ayaa Barbaarta Gaashaman iyo haween ku labisan dharkii Hidaha iyo dhaqanka kusoo bandhigeen suugaan, buraanbur iyo ciyaaraha hidaha dhaqanka ee kala duwan ayaa gaba gabadii waxaa Duco iyo Dardaaran dheer ka jeediyey Ugaas Xasan Ugaas Maxamad iyadoo ku dhamaatay guul iyo rayrayn.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize