Xaalad kacsanaan oo laga dareemayo Villa Somalia

Xaalada madaxtooyada ayaa saacadihi ugu danbeeyaywaxa ay tahay mid ay ka taagan jahwareer adag kadib markii qodabada qaar ee dastuurka cusub la isku mari layahay , iyadoo ay hal maalin ay ka harsan tahay ansixnta Dastuurka .

Xarunta Villa Soomaaliya aya waxa buux dhaafiyay Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin ku qulqulaaya halkaa  kuwaa oo wada hadalla la leh madaxweynaha iyo madax kale ee dowlada ,waxaana ay doonayaan in ansixinta Dastuurka cusub in aan lagu deg degin oo la xaliya qodabada qaar ee la isku heysta.

Qodabada la isku mari layahay ayaa ah qodabka caasimada Soomaaliya oo aan lagu qorin Dastuurka iyo qodob kale oo isna qoraaya ninka  Soomaaliga hal naag ka badan uu guursan karin.

Hadaba jahwareerkaan ayaa ah mid sii cakira xaalaad iyadoo saacad lee aynaga xigaan xilliga la ansixinaaya Dastuurka oo ku aadan 12 bishaan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Xaalad kacsanaan oo laga dareemayo Villa Somalia

  1. Shariif iyo gaas iyo faroole iyo shariif sakiin waxay ku heshiiyeen inay dadka soomaliyeed ay ku qaldaan ama ku mashquuliyaan inta doorashada laga gaaraayo qabiil iyo cuqdo si uu hawiyaha iyo intii raacsan waxyaabo caadifad qabiil ku dhisan si Shariif u helo codka hawiyaha.
    waxay ogaayeen haddii ay sidoodii ku galaan doorashada inaan la soo dooran lahayn marka waxay cayaaraayaan siyaaasad cusub ,kadibna waa isku soo noqonaayaan saxiixayaashoodii oo hoos iska og.
    cuqdadda qabiilka oo la soo celiyo ma waxay ka mid tahay ololaha siyaasadeen si ShiiKH shaRiif uu u hello voteka ama codka hawiye ?mase tahay mid ay hoos iskala og yihiin Faroole iyo Shikh shariif IYO cabdi wali gaas colaada iyo hadalada dhoole tuska ah oo hawada lays ku marinaayo ?
    Soomaalida kale ma aamini doonaan sheekada doorashada lagu galaayo oo larabo inay aamusaaan inta laga gaaraayo doorasha oo aysan mucaadadin.

    waxay rabaan saxiixayaasha inay ku soo noqdaan masraxa ayakoo sidooda ah, marka waa wax lagu heshiiyey inuu faroole saass u hadlo oo shariif uu u helo codka hawiye ,ayadoo laga faaiidaysanaayo caaadifada qabiilka.

  2. XALLINTA SIYAASADDA MURUGEYSAN EE SOMALIA WAXAAD MOODAA IN LAGA BILAABEY MEEL AAN XAL IYO DHAMAAD YEELAN KARIN TOONA MAXAA YEELEY WAXEY AHAYD IN HORTA DALKA OO DHAN GACANTA LAGU QABTO , LA SUGO AMNIGA IYO KALA DAMBEYNTA, KA DIBNA LA MAAMULADA LAGA SOO DHISO MIN TUULO ILAA GOBOL ILAA CAASIMADDA, MARKAAS KA DIB AYAA LAGA GUDBI KAREY KU MEEL GAARNIMADA.

    HADDASE WAXAAN ARKEYNAA IN LA LEEYAHAY WAXAAN KA GUDBEYNAA KU MEEL GAARKA UNA GUDBEYNAA DAWLAD RASMI AH, WAA ARRIN AAN IS-WAAFAQI KARIN QEYNUUN AHAAN IYO SHARCI AHAAN MAXAA YEELEY MADAXDII KU MEEL GAAR AYAA SAMEYSANAAYA BAARLAMAAN IYAGA SOO MAGACAWDEY, RABAAN INEY DHISAAN DAWLAD IYAGA SOO MAGACAABAN DOONO UNA BIXIYAAN MAGACA AY RABAAN OO AH DAWLAD RASMI AH, TAASNA MA NOQON KARTO MID SHARCIGA WAAFAQSAN.

    DAWLAD RASMI AH WAA INEY KU TIMAADO DOORASHO XOR AY U YIHIIN SHACABKA, AYNA U SOO WAKIISHAAN XUKUNKA DALKA IYO DADKABA SI WAAFAQSAN QAWAANIINTA DIMOQRAADIYADDA IYO MABAADII’IDA GUUD EE SHARCIGA DASTUURIGA AH IYO KAN CAALAMIGA AH, HADDII KALE WAXAA LA ORAN KARAA WAA KU MEEL GAAR LAGA GUURAAYO OO LOO GUURAAYO KU MEEL GAAR KALE OO QASAB LOOGU MAGAC DARAAYO DAWLAD RASMI AH.

    BEESHA CAALAMKA IYO HA’ADAHA U DOODA XUQUUQDA AADANAHA GUUD AHAAN, GAAR AHAAN XAQQA KA QEYGALKA SIYAASADDA IYO XORRIYADDA AAYA KA TALINTA EE AY LEEYIHIIN DADKA INAAN LAGU TUMANIN, LAGUNA XAD GUDBIN MABAADII’IDA GUUD EE DIMOQRAADIYADDA SI LOO YAQAAN, HADDII KALE WAXAA MEESHA GEBI AHAANBA KA BIXI DOONAA WAXA LA YIRAAHDO DIMOQRAADIYAD