Gudoomiyaha Rugta Gancsatada Soomaaliyeed oo Caawa Tacsi U diray Ganacsatada Soomaaliyeed…..
Gudoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomalaiyeed Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali’ Gabeyre’ isagoo ku Hadlaya Magaca Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Kiisaba waxa uu Tacsi U dirayaa dhamaan Ganacsatada Soomaaliyed Gaar ahaan Kuwa Gobolka Banaadir isagoo uga Tacsiyeynaya Geeridii Naxdinta laheyd ee Ku Timid Alaha U Naxariistee Gudoomiyihii Ganacsatada Suqua Bakaaraha Marxuum Cali Maxamed Siyaad’ Cali Dheere’ oo Maanta Ku Geryooday Dalka Maleysiya Halakasoo Loogu Qaaday Xaalad Caafimaad.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali’ Gabeyre’ waxa uu Ilaaheey Uga Baryay Marxuumka inuu janadii fardowsa ka waraabiyo Samir iyo Imaana uu Ka siiyo Umadda Soomalaiyeed Gaar ahaan Ganacsatada iyo Eheladii uu ka Baxay marxuum Cali Maxamed Siyaad’ Cali dheere’.
Gudoomiayaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Mudane Gabeyre waxa uu ku Tilmamay Marxum ex Ganacsade Cali dheere Runtii shaqsi ad ugu Weynaa Ganacsatada Soomaaliyeed qeyb Libaax lehna ka soo qaatay Howlaha Ganacsi ee ka socday Caasimada Muqdisho. Gaar ahaan Suuqa Bakaaraha oo uu in Badan ka ahaa Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
![]() |
Socialize