Gen. Dhega badan ‘Mardhow waxaan tegeynaa Marka’

Abaandulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in howl galka ka socda Gobolada dalka aanu marna hakan doonin, kadib markii Ciidamada dowladda iyo AMISOM shalay qabsadeen deegaano hor leh oo ka tirsan Shabellaha Hoose.

Gen. C/kariin Yuusuf Aadan ‘Dhega-badan’ ayaa sheegay in qorshahooda yahay sidii maalmaha soo socda ku gaari lahaayeen Magaalada Marka oo xarun u ah Gobolka Jubada Hoose.

“Waxaan goor dhow ka imid Nambar 50, wax jooga ma jiro, ciidankeyga difaacyadii uu qabsaday ayuu ku sugan yahay, sida Muuri iyo Laanta Buuro oo Ciidamada u aheyd xarun, xabsigii weyna Laanta Buuro, meelihii ay tababarka u isticmaali jireen anaga ayaa joogna”ayuu yiri Gen. Dhega-badan.

Taliye kuxigeenka ciidamada xooga dalka ayaa sidoo kale xusay in aanu qarineyn meelaha ay ku sii jeedaan, isagoo tibaaxay in meel walba ama taago kasta Soomaaliya ka joogaan Soomaaliya ay ku wajahan yihiin sida uu yiri.

Xaalada deegaanka Laanta-Buuro ayaa saaka ah mid degan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qorsheynayaan inay u dhaqaaqaan deegaanka Nambar 50 oo leh garoon diyaaradeed iyo deegaanka Nambar Lixdan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login