IGAD oo digniin u dirtay saxiisayaasha Road-Map-ka

Wasiirada Arrimaha dibada IGAD ayaa digniin u jeediyay Saxiixayaasha Road Map-ka, kadib markii ay shir ku yeesheen magaalada Addis Ababa, kaasoo ay uga hadleen mad madow iyo hadal kulul oo warbaahinta isu dhaafsanayeen xubnaha saxiixayaasha.

IGAD ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin in la carqaladeeyo hanaanka looga gudbayo KMG, iyadoo cadeysay inay tallaabo ka qaadeyso shirarka ka dhanka ah qorshaha qariirada nabada Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa loogu baaqay xubnaha Saxiixayaasha inay joojiyaan hadalada kulul ee ay Warbaahinta ka sheegayaan, iyadoo laga dalbaday inay dhowraan heshiisyadii horay u gaareen.

Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa si wada jir ah u sheegay in cid kasta oo loo arko inay carqaladeyneyso Hanaanka Soomaaliya looga saarayo Xilliga KMG laga qaadi doono tallaabooyin ay ka mid yihiin in cunaqabateyn lagu soo rogo shaqsiyaadka qaswadayaasha ah.

Hadalkan ka soo yeeray Urur Goboleedka IGAD ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo ka yar 40-cisho uu ka harsan yahay xilliga KMG oo ku eg 20-ka Agosto ee soo socoto, iyadoo wali aanay waxba ka qabsoomin heshiisyadii la xiriira ka gudbista xilliga KMG.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.