Kulankii QOL, HSC iyo Fanaaniinta Sayid Khaliifa iyo Bashiir Cali Xuseen – July 10, 2012

July 10, 2012 – Toronto – Waxaa in dhawaalaba ku sugnaa magaalada Toronto ee dalka Canada labada Fanaan ee caanka ah Khaliif Cusmaan Cabdi ‘Sayid Khaliifa’ iyo Bashirr Cali Xuseen, labadan fanaan oo ku yimid booqasho magaalada Toronto si ay ugala qeyb galaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Toronto Xafladii 1-da Luulyo oo ku aadan maalintii xorimada ee dalka Soomaaliya.

Fanaaniintan waxa ay kaloo ku qabteen magaalada Toronto bandhig faneed ay dadweynahay reer Toronto aad iyo aad ugu riyaaqeen. Waxaa kaloolabada fanaan inta ay ku sugnaayeen magaalada Toronto ka qeyb galeen xafaladii xiritaanka SomaliWeek Soccer Tournament ee sanadwaliba ka dhacda magaalada Toronto.

Waxaa maamulka Qaranimo Online iyo Horseed Soccer club u suuta gashay inay la kulmaan labada fanaan ee Sayid Khaliifa iyo Bashiir Cali Xuseen, kulankaas oo ahaa mid sadaxda dhinacba ay kaga faa’iideynteen fursada qaaliga ah, kulankaas oo ahaa mid ku bilowday kuna dhamaaday  jawi aad wanaagsan, gabagabadii kulanka ayaa Qaranimo Online waxa ay weydiinay faanaaniinta inay bal wax inooga sheegay safarkoodan.

 .

Adan S. Awale

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Toronto, Canada | info@qaranimo.com

_______________________________________________

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login