Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay xarunta maamulka Gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku dhigayeen dibad bax ay kaga soo horjeedaan sida ay sheegeen raashin laga musuq maasuqay , dadkaan banaabaxa dhigayay oo ah barakacayaasha ku sugan xerooyinka Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaaya isdaba marin lagu sameeyay raashiinki ay ugu talagaleen ha,adaha caawiya qaxootiga.
Qaar kamid ah dadka dibadbaxa dhigayay ayaa sheegay in ujeedada dibad baxa ay tahay mid ay kaga cabanayaan raashin ay sheegeen in laga musuq maasuqay islamarkaana ay muujinayaan sida dareenkooda uu yahay, Waxa ay sheegeen inay ka yimaadeen degmooyinka kala ah Xamarweyne Boondheere iyo sidoo kale degmooyin kale , iyagoo ka dhiidhinaaya qaabka loo maamulay raashiinki loogu tala galay oo ay sheegeen in suuqa loo iibgeeyay.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in maamulada degmooyinkaasi ay u sheegeen in lasiinayo raashin balse taasi ay noqotay mid been ah oo aan waxba lasiin.
Dadkaan qaxootiga ah ayaa aroortii hore ee saakay waxa ay soo buux dhaafiyeen xarunta maamulka Gobalka Banaadir hortiisa kuwaasi oo isugu jira haween, Caruur iyo sidoo kale dad da,ah oo ka cabanaaya musuq maasuq lagu sameeyay raashiinki loogu tala galay qaxootiga.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login