DOOD QARAN
Qeybti IV
Qore: Cabdulqaadir Aaden Mohamuud “Jangeli”
Akhriste qaab qoraalkaan waxuu u sameysanyahay sidii riwaayad haseyeeshee
wuxu ku saleysanyahay dood qaran oo muujineysa xaaladdaa Soomaaliya,
wuxuuna ka koobanyahy qyebo taxane ah oo labo ama saddex bog ku soo baxaya
marwalba. Magacyada aad halkaan ka akhriyidoontid qaarkood waa sarbeeb ka
soo jeeda magac qof jira.
Diiriye Hingo oo aan seexan illa uu soomaro laba fadhi midkood oo midna rag
ruug caddaya, badankoodna ka mid-ahaan-jiray dowladihii hore oo taariikh
ku nool ah kana sheekeeya wixii hore iyo beri samaadkii Soomaaliya; midka
kalena ay fariistaan dhaliyarada cuslaatay oo si huffan uga dooda dhibaatada
Soomaalida iyo xalkeedu meeshuu ku jiro. Wuxuu Diiriye Hingo xiiseeyaa fadhiga
dhalinyarada cuslaatay oo uu aaminsanyahay in uu wax ka kororsado madaama
intoodaban ay mutacallimiin yihiin kana doodaan waxa maantay jira, odorosanna
aayaha Soomaaliya, mararka qaarkood dhigeystaan Diiriye Hingo oo aad
xogogaal u ah waxa magaalda ka socda iyo wararka Soomaaliya ka imaanaya.
Waayihii kacaanka Diiriye Hingo iyo ragga la midka ahaa xabsi kama bixijirin oo
waxaa loo yaqaaney afmishaar, hatanse waxaa loo aqoonsanyahay waxgarad
madaxbannan oo aan biqin. Cashadii kaddib markii ay kala tageen saaxiibadiis
Timiro iyo Sahal, Diiriye Hingo wuuxuu soo aaday gura Bile oo ay la fadhiyaan
Abdullahi, Cartan, Dr. Mukhtaar iyo xildhibaan Suuban oo ah marwada Bile u
dhaxda oo aan si rasmi ah fadhiga uga mid ahayn maxaayeelay qaadkana ma
cunto, shah karis iyo casho karinta carrurta ayey mashquul ku tahay inta badan
warse ma seego oo way dhaga-wadantahay isla markaana way ridataa hadalka
markeeda.
DIIRIYE HINGO: Salaama caleykum. Meesha caaway maxaa lagu hayaa?
BILE: Calaykuma salaam. Soo dhawow Diiriye, wajigaaga war xiisa leh baa ka
muuqdee bal noo warran, maxaa soo kordhay?
DIIRIYE HINGO: Xiise miyaad tiri mise-waa mid kuraas badan la iiga kicidoono!
BILE: Waaba arrin cajiibe, bal soo daa xurmada intaas le’eg waxaad ku
mutaysatay.
DIIRIYE HINGO: Anigu Caaway waxaan la soo casheeyey nin Madaxweynaha
Soomaaliya u sharraxan, waxaanna ku hanweynahay markuu guuleysto in aan
wasiirka macdanta iyo khayraadka badda noqdoono.
BILE: Oo ninkaasi waa waa-kuma?
DIIRIYE HING: Idiin sheegimaayo saad haragaad ka fiiqeysaane!
BILE: Waayahaye magaciisa ha noo sheegine, khaanadee ku jiraa, waadigii
musharraxiinta midba khaanad gelinjiraye?
DIIRIYE HINGO: Ninkaani Ingiriiskuu ka yimid oo khaanadwalba waa gelikaraa.
CARTAN: War Diiriye Hingo iska-daaya wuxu ninkaan u qarinaya waa qolooyinkii
Isbuufiska qabay oo ku qabso ku qadi maysida meesha u yimide.
BILE: Oo horta Diiriye Hingow maxaad ku dooratay in aad noqoto wasiirka
macdanta iyo khayraadka badda? Ninkaan madaxweynaha isu-sharraxay haddad
saaxiib-tihiin, isku reer-na- ahayn maad wasaaradaha waaweyn ee qabiilada lagu
maslaxo sida Maaliyadda, Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo arimaha gudaha
midkood dooratid?
DIIRIYE HINGO: Kkkkk Allow nimaan war qabin ha cadaabin, war mataasaa
isweydiin leh! Arrimaha macdanta iyo badda waxaad la macaamilaysaa shirkado
ajnebi ah iyo dowlado aad heshiisyo baaris batrool iyo bixinta baddena la
geli-kartid. Ciduna xisaab celin meel kulama fadhido sida UNDP, Turkiga
iwm, oo dhaqaalaha wasaaradaha aad sheegeysid bixiya. Waxaad halkaan
iska daldalaneysaa xoolo aadan xadin oo xad-dhaaf ah oo hibo lagu siiyey,
wasaaradaha kalese waxaad toos si bareer ah u xaddo mooyaane waxaad
shufuq siineyso majirto, anigu xoolo xaaran ah akhiro la aadimaayo addun waa
meeshiise.
BILE: Inna lillahi wa inna Ilaahi raajacuun. War xattoyada tan ugu xuni wa middad
ka hadleysid oo wasaaradaha kale oo aad sheegeysid waxaad ka xadda waxay
ku-simantahay inta aad wasaraddas joogtid inkastoo misanka danbigeedu aad u
culusyahay, hadana tani waa mid waqaf kugu noqoneysa madaama dhibteedu
waligeed soomaaliya la soconeyso. Ma maqashay ceel waqaf ah ama iskool ama
isbitaal ama masaajid haddad dhisto xasanaad joogta ah ayaa kuu socondoona,
taad sheegeysidna waa badalkeed oo danbi waqaf ah ayaa waligaa ku soconaya
misaankiisu la-egyahay waxa ay ka helaan Shirkadaha iyo dowladaha aad u
ogolaatay khayraadka ummadda si aad uga faaideysatid adigu.
DIIRIYE HINGO: Salaamaad, soo anigaan akhiro cadaabtii galilahaa!
Maasha fadhigiina jeclaaday, meel halkaasa oo aan marmar tago, waa igu
cowryilahaayeen guusha aan sugayo iyo barwaaqada ii iftiintay, waayahaanna
odaga barkimooyinka geeskaas wanaagsan odhiga bay oranlahaayeen. Alla
markaasaan kala badan lahaa oo isballaarin lahaa oo rummeysanlaha riyadaas.
SUUBAN: Diiriye Hingow ka digtoonow xoolo xaaraan ah hana ku riyoon
xatta, maxaayeelay haddad ku riyootid danbi baa kaa racaya. Marka arrintaas
islagaranay ee nooga waraan xaaladdi baralamaanka Soomaalida iyo meeshay
mareyso.
DIIRIYE HING: Oo adigu soo kama tirsaneyn ma cid kaaga war- roon-baa jirta
dadka meesha fadhiya, maad nooga warrantid adigu.
SUUBAN: Anigu waan ku wareeray oo markaan Xamar la hadlana waxaa la
iisheegaa in Madoobe Nuunow ra’isul barlamaanka rasmigaa yahay, hadana
Saxiixayaashana Sharif Sakiin baa la socda, loona citiraafsanyahay ra’isul
barlamaanka Soomaalida.
DR.MUKHTAAR: Yaanaan gurigaa kaaga kicine,Suuban eraygaas xaal ka bixi
afkaaganah uusan dib dambe u soo marin.
DIIRIYE HINGO: War gabadhu maxay dhintay, wayaabe, oo ay xaalka ka bixisaa?
DR.MUKHTAAR: Waad ogtahay waxay dhintay aniga afkeygu ma karikaro oo
kuma celinkaro ceyda iyo qadafka madxda qaranka ay ugu yeertay.
CARTE:Diiriye Hingo, miyaadan garan? Gabadhu waxay dhintay waxkale ma ahee
waa neynaasta Sakiin oo aad ogtihiin wixii ka dhacay shirkii Istanbul markii Caasha
afkeeda uu ka soo baxay ereygaasu.
DIIRIYE HINGO: War nimaan neynaas-lahayn waa ri’ geesjaban baa la yiriye maxaa
Shariifka loogu diidayaa neynaastiisa Shariifyada kalaaba looga soocayaaye.
Tankale dadkuuba ku baqasanayaa in uu wax kala jarikaro oo aan loo soo
dhawaakarin. Miyeydaan arag Madoobayaasha (Aadan Madoobe iyo Madoobe
Nunow) meshuu la maro? Affar jeer aya barlamaanke laga qaaday hadana waakan
oo melena uma socdo. Nin rag-ah iga dheh Shariif Sakiin!
CABDULLAHI: Horta yaa u bixiyey neynaastaan waa cajiibe?!
SUUBAN: Aniguna waxaan u maleynayaa in Abdullahi Yusuf u bixiyey markuu ka
yaabay jirjiroole-nimadiisa. Waxaanna ogayahay oo markhaati ka ahay in uu ahaa
ninkii ciidanka Xabashida Xamar soo geliyey dadkuse u qabo Abdullahi Yusuf in
uu ahaa. Wuxuu ahaa ninkii Baidhabo 2006 barlamaanka in fariisiyey ka ansixiyey
in ciidanka Xabashidu soo galaan Soomaaliya; nimankii ciidanku la dagaalayey ee
maxkamadaha ahaana, madaxdoodii buu la cararay oo Eritrea la aaday.
CARTAN: Cajiib! Cid weligeed isweydiisay siday ku dhacday ciidanka soogalay
waddenkeena ma jirto. Raggii Xamar la yimid baa la heystaye yaaba ogolaansha
iyo sharciyeynta ciidanka Xabashida isweydiiye. Shariif Sakiina wuxuu ogaa in uu
jariima weyn galay dabadeena wuxuu uga siibtay Cabdullahi iyo Ghedi asagoo ka
midnoqday ragii ku dhawaaqay xorreynta soomaaliya ee Eritrea aaday.
DR. MUKHTAAR: Annaanimaad haysaane Shariif Xassan marna idinkaa yiraahda
aqon maleh, afafka ajinbiga kuma hadlo oo skool ma dhigan, Xafiis iyo maamul
dowlona weligiis ma qaban oo wuxuu ahaa ganacsade jeeble ah oo qaadka
ka beecbushtara haddana waxaad leedihiin nin loo dhawaan karo ma-aha oo
siyaasaddisa gudaha iyo dibaddaba nin loo-dhigaa ma jiro. War dhan isgu xiirma
oo ninkaan ragnimadiisa u ogalaada.
BILE: Waa yahaye, aan arrintaas hakad gelinee, waxaa noo daran oo aan
xiiseyneynaa howshi odayaal dhaqameedka loo idmaday meeshay mareyso.
CARTAN: Taas Cabdullahaan u dayneynaa in uu naga haqabtiro asagaa guddiyada
farsamada ku jira.
CABDULLAHI: Arrintaas waa in aan si dhab ah u galanaa oo annaan sahlan,
maxaayeelay masiirkii Soomaaliya ayaa miiska saaran, sacadduna haatan waa
tobankii, haddi aan bilaabana caway waagaa inoo baryaya ee aan beri haddi Alle
idmo u dhiganno una dad badsanno waa howl wajiyo badan lehe.
SUUBAN: Wa tala fiican weliba cashana waan idiin karinayaaya ee soo casuma
wasiirkii dastuurka baa magaalada jooga la yiriye.
CABDULLAHI: Waayahay. Wasiirkii dastuurka ee Puntaland-na waa joogaa oo
waan soo casumayaa asagana ee ku talogal.
DIIRIYE HING: Haddikale shirkaas iyo doodaas looma dhammeyn baa la
oranayaaye…kkkkk.
Waa socotaa sheekadaani qeybta shanaad waxa soo baxaysaa Jamcaha July 20,
2012.
Jangelione@yahoo.com
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login